crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> October | 2015 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: October 2015

Sooyaalka Wardhiigleey iyo doorkii Shirbaa Shariif Cawaale Golcadde

Wardhiigleey, Muqdisho (Himilonews) – Meel dheer ayaan ka arkay isagoo salaadda Casir masjidka kusoo dukaday ka hor intaan madal kula ballamin. Wuxuu u muuqday gaban weli xooggiisa qaba. Walow da’du ay daba eryanayso, hadana noloshiisii u badneyd miyi-joogga iyo adkaysigii hayaanka dheeraa ee uu kusoo dhaqay duunyadiisa ayaa ka dhigtay nin wali carcarkiisi qaba.  “Maxaad ugu shirbin degmadii aad mar ...

Read More »

Sucuudiga oo casuumaya ardaygii Muslimka ahaa

Jeddah – U rumeynta mid kamid ah riyooyinka uu ku hamin jiray wiilka 14-jirka ee reer Suudaan kaas oo Aqalka Cad lagu casuumay kadib hal-abuurkiisii ahaa saacad guri-ku-sameys ah, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in riyadiisa ah inuu usoo cimreysto Xajka ay u fududeyn doonaan. Baaqa waxaa soo dhaweeyey bulshada reer Suudaan ee ku nool Boqortooyada Sucuudiga. “Waynu qiimeynaynaa go’aanka Boqortooyada. ...

Read More »

Bajaajley: RIBIX iyo RAGAAD isku raran

Wadajir, Mogadishu – Kahor inta aan magaalada lasoo galin Bajaajta, Maxamed Shire wuxuu shaqooyin ku meel-gaar ah oo aan joogto ahayn ku maareyn jiray noloshiisa maalin-laha ah isaga oo hadba wixii uu heli karo maalintiisa ku qaadan jiray. Hadda wuxuu nolol-maalmeedkiisa ka raadiyaa wadista Bajaajta taas oo ah mooto saddex-lugooley ah oo qaadi karta saddex illaa afar qofood mar qura; ...

Read More »

Farriimaha Jaceylka

–Dhib malahan halka aan aadayo. Aalaaba waan ogsoonahay hoyaadkayga ugu danbeeya inaad tahay. Yoolka aan hiigsanayo waa adiga. Waan ku jeclahay. –Jaceylkaygu waa kan ku ogeysiiya goobaha dahsoon ee qofkan ku jecel laabtiisa.  Adiga ayaan ku jeclahay. Umana dafirayo naftayda raynraynta fudud ee dhihidda waxa dhabta ah. Adiga ayaan kaliya ku jeclahay. Waxaana ogahay in jaceylku uu yahay hillaac jeegaantiisu ...

Read More »

Kalluumaysiga sharci-darrada iyo rogaal-celiska Burcad-badeedda

Durduri, Soomaaliya – Boqol sano kahor, halkani waxay ahayd dakad mashquul badan taas oo ay adeegsadaan bulshada kalluumaysiga u geyfan ee ku nool dhererka xeebta Soomaaliya oo ah midda ugu dheer dhul-weynaha engegan ee Afrika. Hadda, Durduri waa meel ay cadceeddu dishay iyo kob dabayshu xaaqday. Mana jirto wax marso ah. Gubadka iyo engega guryaha waa raad kusii idlaanaya haraadiga ...

Read More »

10-sano jir Qur’aanka xifdiyay gudaha dalka Bosnia-Herzegovina

Sarajevo (Himilonews) – Wiil toban sano jir ah ayaa noqday qofkii ugu yaraa  dalka Bosnia-Herzegovina kaas oo laabta ka xifdiya Qur’aanka kariimka ah—isaga oo ku deeqaya door muuqda dhalinyarada Muslimiinta ah ee caalamka ku nool. “Wiilkayga Abdiraxman wuxuu carbiska ku qaatay si fudud inuu Qur’aanka ku qeybo,” Aabaha wiilka, Hamzaliya Tabakovic ayaa u sheegay World Bulletin. Wiilka da’da yar ee ...

Read More »

MAQAAL: Rabba igu jecel runtee, rugbay ahayd Carwadu!

Muqdisho – Rabba igu jecel runtee, rugbay ahayd Carwadu. Waxa aan ku bilaabahayaa bisinka Eebbe; shaydaan ha baygagee. Waxa mahad idaylkeed ay u sugnaatay Allaha weyn ee ina baray qalinka iyo qoraalka; ina siiyay maan iyo maskax aynnu isku hagno; ee Ina baray wax aynnaan aqoon. Farxad iyo guul weyn ayaa ay aniga ii tahay, carwadii caalamiga ahayd ee Muqdisho ...

Read More »

Markuu Jaceylku ka awood badiyo Lacagta!

Muqdisho (Himilonews) – Wiil sabool ah ayaa wuxuu jeclaa gabar uu dhalay nin tanaad ah. Maalin maalmaha kamid ah ayuu wiilkii u ban-dhigtay gabadha jaceylkiisa, waxayna ku tiri; “Dhageyso lacagta mushaharkaagu waa wax maalin qura aan ku maareeyo dukaamaysigayga. Sidee ayaan marka kuula jaan-qaadi karaa? Sideed ugu fikirtay sidaas? Kuma jeclaan karo waligay. Marka iska kay ilow lana anba-qaad heerkaaga.” ...

Read More »

Farriimaha Jaceylka

Waan ku jeclahay. Ogsoonow waligaa! Waxaan doonayaa in qof walba oo jira uu adiga ku noqdo. Waxaa tahay xulashadayda. Qof aan huri karin goor walba. Ma ogtahay gacaliye/so, jaceylka dhabta ah malahan goob iyo goor. Si shil ah ayuu ku dhacaa; gudaha garaaca wadnaha. Dan kama lihi siday u adag tahay in wadajir la noqdo. Waayo majiro wax ka adag ...

Read More »

Ardayda Kenya oo dib ugu laabanaya dugsiyada

Muqdisho – Malaayiin arday Kiinyaati ah ayaa dib-ugu laabanaya dugsiyada kadib markii Ururka Barayaasha Kenya ay hakad geliyeen ban-baxii shanta toddobaad oo ay kaga cabanayeen mushaar yarida. Ururka ayaa sheegay inay ka dhur-sugayaan go’aanka maxkamadda kaas oo muddo 90-cishood gudahood u balan-qaaday in cabashadooda lagu xalin doono. Jah-wareerkan ayaa ka dhashay kadib markii maxkamadda sare ee Kenya ay macalimiinta u ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!