crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax ka baro Baqasha | HimiloNetwork

Wax ka baro Baqasha

Muqdisho (Himilonews) – Baqashu waa jaad Gamaanka kamid ah oo ku yimaada is boodka iyo kudaalka labada xubnood ee ugu weyn qoyska reer Gamaan oo ah Dameeraha iyo Fardaha. Inta badan labka Dameer ayaa booda Geenyada – ama Faraska ayaa booda dhedigta Dameerka.
Iyada oo laga eegayo kasoo dhex-baxa labada unug ee faras-dameerka, Baqashu waxay sifooyin isku filan ka dhaxashaa isu-taggooda. Mid waa inay ka cimri dheer tahay Fardaha – mid kalana waa inay ka xoog, adkeysi badan tahay Fardaha kana  garasho dheer tahay Dameeraha.
Culeyska Baqasha waa culaab u dhaxeysa 370 ilaa 460 kg. Uureysigeedu waa dhif iyo naadir marka laga reebo habka embryo transfer oo suura-galiya inay uureysato.
Marka loo fiiriyo, hal-dhererkeeda u dhaxeeya labada kale sara-joogooda, Baqashu waa dhex-dhexaadiyaha kaliya ee reer Gamaan ku jira kaas oo qaban karta howlaha loogu dow-galo Dameerka iyo Fardaha.
Maadama aysan jirin xarumo gaar ah oo lagu tarmiyo Baqlaha, tirada ku nool dalkeenna aad bay ugu yar yihiin. 10-15 Dameer ee aad aragto iyaga oo raran, hal ama eber kamid ah ayaa laga yaabaa inuu noqdo Baqal.
Cimri dhererkeedu wuxuu gaara inta u dhaxeysa 30 – 50 sanadood.
Hal-ku-dhiyadii laga yiri Baqasha waxaa kamid ah hal-ku-dhig cunsuriyaysan oo lagu hal-qabsaday taas oo ah;
  1. Baqashii Fardo la mirataba, Faras bay is moodaa.
Qore: Zakariya Hiraal.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!