crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahanka | HimiloNetwork

Sahanka

Webiga Guduudane oo dalka Peru.

MUQDISHO (HN) — Sannad kasta buuralayda Vilcanota ee dalka Peru waxaa la arkaa biyo dhiig u eg oo uu sido webiga kaas oo ku shubma dooxada Cusco oo 100 kilometer u jirta magaalada mnadaxda. Wuxuu u dhow yahay buurta Palcoyo Rainbow. Dadka deegaanka waxay webigan ugu yeeraan Palquella Pucamayu. Wuxuu sii qulqulayaa shan kilomitir kahor inta uusan kusii milmin ama darmin ...

Read More »

Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Cadayga ama Rumeyga.

MUQDISHO (HN) — Mid kamid ah hababka ugu fiican oo bedqabka afka iyo ilkaha lagu ilaalin karo waa cadayga ama rumeyga oo afka Carabiga lagu yiraahdo Siwak. Waana sunno uu jideeyey Suubanaha NNKH oo laga helayo faa’iidooyin badan. Ereyga Siwak waa geed magaciisa oo qoryaha qoyan ee laga soo gooyo ay u roon yihiin nadiifinta ilkaha iyo carafta afka. Cadaygu ...

Read More »

Webiga ugu ‘Dhuuban’ Caalamka+ Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Hualai River oo ku yaalla dalka Shiinaha waxaa ilaa hadda loo og yahay inuu yahay webiga ugu dhuuban caalamka oo meeshiisa ugu ballaaran ballac ahaan ay la’eg tahay ama dhan tahay in yar oo centimerro ah. Webiga Amazon waa kan ugu ballaaran baaxaddiisa labada dhinac oo ay isku jira fogaan dhan lix meyl (6 mile) marka uu ...

Read More »

Geedaha afarta geesoodka ah ee ku yaalla Dooxada Panama + Sawiro.

MUQDISHO (HN) — Kanaal Zone ee Panama waxaa in door ah marka laga soo tago ku taal dooxada geedaha afar-geesoodka ah ama Valley of Square Trees, waana bar dalxiiseed ay dalxiisayaashu soo tiigsadaan. Waxaa la rumeysan yahay inay ka dhasheen qarxisadii ama folkaanadii El Valle de Anton. Cilmi-baarayaasha iyo dalxiisayaasha waxay u ahayd goob ay soo abaaraan gu’yaal badan. Ruugcadaa ...

Read More »

Deegaan carruurta ku dhalata ay ku dhashaan xaalad timo la’aan ah.

MUQDISHO (HN) — Xaalad dhif iyo naadir ah ayay la dhiban yihiin dadka deggan tuulada “Al-Keif” ee ka tirsan gobolka Kirkuk ee dhacda waqooyiga dalka Ciraaq. Inta badan carruurta deegaankan ayaa ku dhasha timo la’aan muddo sannado ah, iyadoo aan la ogeyn sababta. Waxay ka soo muuqataa carruurta bidaarta laga soo bilaabo dhalashadooda, Tani waa midda ku kaliftay dhallinyaro badan ...

Read More »

Harada Jaceylka ee Dubai.

MUQDISHO (HN) — Harada Jaceylka, oo qaabka wadnaha oo kale oo sameeyey, waxay dhacdaa saxaraha u dhow Dubai. Waana dabcan, bartilmaameedka dalxiiseed oo Bariga Dhexe ay lammaane badan usoo aadaan. Muqaallada halaasiga ah oo ay ku caan tahay Dubai sida Burj Khalifa ma ahan kuwa la koobi karo. Laakiin, hadda waxaa kale oo jira muuqaallo ildoogsi iyo dalxiisba leh oo ...

Read More »

Toddobo hab-dhaqan oo dhaawac ku noqon kara mustaqbalka qofka.

MUQDISHO (HN) — Haddii aad dooneyso in aad dareento farxad, waxaa jira toddobo hab-dhaqan oo aan wanaagsaneyn oo laga yaabo inay qaataan tamartaada ugu badan adiga oo aan wacaal u heyn. Sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Forbes, keliya farxad kama helaysid marka aad joojiso dhaqamadan balse waxaad helaysaa kalsooni badan adiga oo si toggan uga falcelinaya deegaankaaga. 1) ...

Read More »

Dhinaca Madow ee Adeegsiga Moobillada Smartphones-ka.

MUQDISHO (HN) — Waxaa aad iisoo jiitay sheeko lagu qoray Jariiradda Evening Standard taas oo cinwaan looga dhigay moobillada shaashadda leh oo adeegsadaha kala tagaya dareenka gurmashada – kana dhigaya goobjooge aan gacan fidiye noqon Karin. Dr Linda Papadopoulos ayaa tooshka ku ifinaysa tusaale dhawaan-gal ah oo muujinaya danbiile ku xad-gudbaya haweeney boolis ah – halkaas oo goobjoogayaashuna ay lasoo ...

Read More »

Sahan: Muslimiinta waa Dadka ugu badan ee heysta Qanaacada Nolosha.

MUQDISHO (HN) — Muslimiintu waxay yihiin dadka ugu qanacsanaanta badan nolosha, waayo waxay la nool yihiin kelinimada Eebbe marka lala barbardhigo diimaha kale, daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa daaha ka rogtay, sida laga soo xigtay Daily Mail. “Daraasaddu waxay ifinaysaa xiriir weyn oo ka dhaxeeya rumeynta kelinnimada Eebe iyo qanaacada nolosha,” ayuu yiri Dr. Laura Marie Edinger-Schons, oo ah ...

Read More »

Hadda qof walba qaabka socodkiisa ayaa lagu soo saari karaa.

Beijing (HN) — Iska ilow in qofka lagu aqoonsan karo wajigiisa oo kaliya. Hadda dalka Shiinaha ayaa sameeyey tiknoolojiyad cusub oo sahlaysa in qofka lagu aqoonsado qaabka socodkiisa haddii aan la fahmi karin wajigiisa ama uu sii jeedo. Barnaamijkan oo loo yaqaan gait recognition waxaa hindisay aqoon-yahanno bahoobay ayaa suura-gelinaya in qofka lagu heyb ogaado qaabka socodkiisa iyo dhaqaajinta xubnaha ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!