crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Naadiga Qosolka ku daweeya Dadka ee Hindiya! | HimiloNetwork

Naadiga Qosolka ku daweeya Dadka ee Hindiya!

MUQDISHO (HN) — Qosolku waa daawada ugu fiican. Taas waa farriin kaaga imaanaysa Naadiga Caafimaadka ee xaruntiisu tahay bartamaha Bombay, dalka Hindiya.

Naadiga ayaa rumeysan hal kal oo 15 daqiiqo ka kooban oo qosol ah inay kordhiso heerka nolosha. Waxay abuurtaa dareen xasilooni iyo bedqab leh.

Saaka markay saacaddu ahayd 7:00 subaxnimo ayay xubnahan oo naadiga katirsan iskugu soo urureen xiisad 15 daqiiqo ah oo ay ku baranayaan qosolka.

Isku imaatinkan ayaa subax walba ka dhaca xarunta oo fadhigeedu yahay magaalada ganacsiga ee Mumbai oo beri hore loo yiqiin Bombay.

Leyliga koowaad: waa inaad dhabannada dhinacyada u kala fidisaa kadibna aad soo saarta dhawaqa astaanta u ah qosolka ee hhhhh – adiga oo isla markaas dhoolla cadaynaya.

Waxaa xiisadda qosolka feersocda jimicsi inta badan labada gacmood laga shaqeysiinayo iyo fasaxa iyo idan la siinayo xubnaha ilqabad leh ee jirka sida indhaha iyo sanka si ay uga qeyb noqdaan qosolka.

Dr. Kataria oo xaruntan aas-aase ah wuxuu dadka ku daweeyaa qosolka. Wuxuu aamisan yahay in qosolku yahay hab la isaga sii deynayo culeyska gudo ahaaneed ee jirka.

Bukaannadiisu waxay u dhaxeeyaan da’aadda shan jir ilaa 80 jir.

Saameyntu waxay ka gudubtay gudaha Hindiya wuxuuna hadda xiisado qosol barashada ah ku bixiyaa hab fogaan arag ah.

Prakash Vaidya, oo xubin ka ah naadiga wuxuu halkan ka helay dawadii ka dhineyd caafimaadkiisa.

“Aniga waxaan qaba cudurka Macaanka, sokortayduna marba waa si. Horay waxaa usoo joogteeyey qaadashada saddex dawo oo kala ah: leyliga jirka sida socodka, dawada dhaqtarka, iyo dabcan cunno isku dheelli-tiran – balse xiisaddan aan halkan ku qaato ee qosolka ah wax badan ayay noloshayda waxtar ugu noqotay.”

Maxamed Qadar Cabdi.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!