crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Himilo | HimiloNetwork

Author Archives: Himilo

Maxbuus Muslimiinta Falastiin Mushaharkiisa oo dhan ugu deeqay!

MUQDISHO (HN) — Sanduuqa la isku taakuleeyo ee GoFundMe wuxuu ilaa hadda lacag dhan $102,000 u ururiyay Hamza oo ah maxbuus Maraykan ah oo dhammaanba lacagihii uu ka dhex shaqeystay gudaha xabsiga ugu deeqay walaalihiisa reer Falastiin. 40 sanno ayuu maxbuus ahaa waxaana la filayaa inuu goordhow kasoo baxo noloshaas uu galay isaga oo soo qaangaaraya. Wuxuu toddobaadkan ugu deeqay ...

Read More »

Gudaha Masaajidda Istanbul ee lagu dhex jimicsado!

MUQDISHO (HN) — Jamaacada masaajidda qaar ee Istanbul waxay subax walba salaadda kaddib kusii negaadaan masjidka si ay ugu jimicsadaan dhexdiisa. Weliba waxay u qabsadeen tababbare jidhis si uu kaga caawiyo. Sidaas darteed – iyaga iyo Imamkoodu – waxay saf kale oo aan kii salaadda ahayn u wada galaan si ay ugu hoggaansamaan tilmaamaha uu bixiyo macalinkooda. Masjidka Abdulhamid Han ...

Read More »

“Islaamku wuxuu iga saaray noloshii foosha xumeyd ee qamriga iyo rabshada.”

MUQDISHO (HN) — Fatimah O’Sullivan waxay gu’yaal badan la daalaa-dhacaysay isku buuqsanaan iyo xanuun dhinaca maskaxda ah oo u diiday xasiloonida. Laakiin hadda waxay sheegtay inay heshay ujeeddada dhabta ah ee nolosha iyo sirta xasiloonida. Waxay soo gabagabeysay nolol mugdi ah oo khamri cabid iyo rabshado ah. Waxayna qaadatay diinta Islaamka. Waxay ku dhalatay Scotland waxayna usoo wareegtay London kahor ...

Read More »

Laacib u dhashay Spain oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Jota Peleteiro, oo ah laacib hore oo usoo cayaaray kooxaha Alaves, Brentford iyo Aston Villa ayaa qaatay diinta Islaamka. 32 jirkan u dhashay dalka Spain wuxuu sheegay inuu la dhacay dadnimada iyo dabciga qofka Muslimka. Wuxuu tilmaamay in wadaaynimada saaxiibkiis Faisal Buresli, oo u dhashay Kuwayt uu ku dareemay deganaan iyo inuu jecleysto diinta Islaamka, sida ay kusoo warrantay ...

Read More »

Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof!

MUQDISHO (HN) — Wuxuu abaalmarinta MBE ku helay badbaadinta 29 qof oo rabay inay nafta is dhaafiyaan ama naftooda dilaan. Rizwan Javed waa Muslim British ah oo ka shaqeeya saldhigyada tareenada wuxuuna hadda magaciisa uga faa’iideysanayaa inuu maareeyo xaaladda ah adag ee ka dhalata quusta, niyadjabka iyo buuqa oo qofka ugu dambeyn ku kalifta inuu nafta is dhaafiyo. Javed oo bariga ...

Read More »

Orodyahan tartanka orodada looga mamnuucayo cabidda sigaarka!

MUQDISHO (HN) — Orodyahan da’da culus ah oo ka qeybgalka tartamada caan ku ahaa ayaa sabab la xiriirta anshax-darro bulsho awgeed looga reebay inuu kasii mid nqodo tartamayaasha muddo labo sannadood ah. Ganaaxa ayaa ku saabsan balwadda uu sida aadka ah u qabatimay orodyahankan oo ah nuugidda ama cabidda sigaarka. Chen Mouxian, oo dadku u yaqaanaan ‘Uncle Chen’, wuxuu fogaan-aragyada kasoo ...

Read More »

Muslimiin baaskiil ku safraysa si ay yabooh ugu sameeyaan walaalaha Falastiin!

MUQDISHO (HN) — Iyaga oo kaga dayanaya sidii Suubanaha NNKH uu safar dhulka ah ugu kala socdaalay Makka iyo Madiina, dhalinyaro Muslimiin ah oo kasoo jeeda UK ayaa baaskiil ku goynaya fogaan dhan 550 km. Labadan dhalinyarada oo da’da 40 jirka jooga waxay qorsheynayaan inay si fudud hiigsigooda ku gaaraan kahor bisha Ramadaan. Hadafka iyo ujeedka ay ka leeyihiin socdaalkan ...

Read More »

Nin iska dhigay Gabar – si uu imtixaanka ugu galo – oo la qabtay!

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Hindiya ayaa la qabtay isaga oo imtixaan u galaya booska saaxiibtiis oo dhigata Jaamacadda ku taalla Punjab – isaga oo marsaday make up, guduudiso iyo maryaha dumarku qaataan. Saraakiisha Jaamacadda Baba Farid University ayaa gacanta ku dhigay wiil da’yar oo sita dukumentiyo been ah kaas oo rabay inuu imtixaanka u galo gabar la rumeysan yahay inay ...

Read More »

Haweeney ilmaheedu ku caasiyeen oo hantideeda ku saxiixaysa eeyaha iyo bisadaha la nool.

MUQDISHO (HN) — Haweeney da’ ah oo u dhalatay Shiinaha ayaa adduun gaaraya 20 million yuan ($2.8 million) waxay ku saxiixday xayawaannada gurigeeda ku nool si ay dhimashadeeda kaddib u dhaxlaan – iyada oo qadisay gebi ahaanba ilmaheeda oo nool maadaama intii ay nooleyd ay dhinaceeda ka weysay oo aysan soo booqan jirin ama siin jirin wehelkii ay uga baahned. Sidaas ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!