HomeWararkaMilkiile dukaan oo muddo 8 sano ah Rooti bilaash ah siiya dadka...

Milkiile dukaan oo muddo 8 sano ah Rooti bilaash ah siiya dadka Danyarta ah!

MUQDISHO (HN) – Muddo siddeed sannadood ah, ku dhowaad 200 oo qof oo ku nool magaalada yar ee Strunino oo dalka Ruushka katirsan marnaba kama welwelin lacagta ay ku iibsan lahaayeen rootiga. Waayo ganacsade lagu magacaabo Mamoud Shavershyan oo Muslim ah, ayaa bilaabay inuu dadka saboolka ah rooti bilaash ah siiyo. Mamoud oo asal ahaan kasoo jeeda Armenia, balse Ruushka yimid 25 sano kahor, wuxuu go’aankan qaatay markii uu arkay haweeney waayeel hawlgab ah oo lacag qadaadiic ah u tirinaysa si ay u iibsato laba xabbo oo rooti ah. Aad bay arrintaas u taabatay, wuxuuna go’aansaday inuu rootiga lacag la’aan ku siiyo.

Markii hore, caawintiisu waxay ku koobnayd dadka hawlgabka ah, balse markii dambe waxa uu ku daray dadka naafada ah, qoysaska danyarta ah iyo dadka kale ee saboolka ah. Maanta, dukaankiisa oo lagu magacaabo Eric ayaa bil kasta bixiya ku dhowaad 2,000 oo rooti cad ah iyo 1,000 xabo oo rooti madow ah. Waxa kale oo uu macmacaan siiya xannaanooyinka carruurta iyo dadka haysta waraaqaha lagu qaato raashinka bilaashka ah.

Waxaase yaab leh in qaar badan oo kamid ah dadka uu caawiyo aysan u mahadcelin, balse ay ku aflagaadeeyaan kuna eedeeyaan inuu lunsanayo raashinka ay dowladdu dadka saboolka ah siiso. Dadka qaarkood waxay aaminsan yihiin in rootiga uu bixiyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, halka xaqiiqadu tahay in Mamoud uu kharashaadka oo dhan jeebkiisa ka dhiibo. Mararka qaarkood, haddii rootigu dukaanka ka dhammaado ama gaari keenayay uu dib u dhaco, isaga iyo qoyskiisa waxaa loo geystaa hanjabaado iyo aflagaado.

Xaaskiisa Rosa waxay sheegtay in boqolkiiba 10 oo keliya dadka ka faa’iidaysta deeqdaasi ay muujiyaan mahadnaq, halka inta kale ay u dhaqmaan sidii dad xaq u leh rootiga bilaashka ah. Waxay sheegtay inay mar ninkeeda ku tiri: “Mamoud, maxaad lacagtaada iyo caafimaadkaaga maskaxeed ugu khasaarinaysaa dad aan rootiga aad siiso kuugu beddelayn wax aan ahayn cay iyo habaar?” Hayeeshee, maalin ayay aragtay nin waayeel ah oo dukaanka yimid si uu rootigiisa u qaato, dabadeedna isku dayay inuu gacanta Mamoud dhunkado. Mamoud ayaa gacantiisa kala baxay, kuna yiri: “Aabbe, maxaad samaynaysaa!” Arrintaasi aad ayay u taabatay Rosa, waxayna ninkeeda ka codsatay inuu 50 waraaqood oo dheeraad ah u daabaco dadka baahan.

Mamoud ayaa sheegay inuusan dadka uga baahnayn mahadnaq, isaga oo yiri: “Alle oo keliya ayaa qiimeyn kara wanaagga, dadkuna ma qiimeyn karaan.” Waxa uu sidoo kale xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood ku yiraahdaa: “Gabdhahayga, cidna weligood ma caawinin dadkan, sidaas darteed ma rumaysna wanaagga, waxay keliya ku nool yihiin caro.”

Isaga oo ka hadlay sababta uu mashruucan u sameeyo ayuu yiri: “Waxaan doonayaa oo keliya in dadka igu hareeraysan ay helaan nolol deggan oo aan dhib badan lahayn.” Waxa uu intaas ku daray in maamulka deegaanka uusan xattaa ka warqabin dadaalkiisa, balse uusan samafalka u samaynayn ammaan ama abaalmarin.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments