crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork

Dunida Muslimka

Xaajigii Baaskiil uga yimid Induniisiya si uu u yimaado Makka iyo Madiina + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Dad badan oo Muslimiin ladan ah ayaa sannad kasta u baxa gudashada Xajka iyo Cumrada, waxayna ku gaaraan hadba sida ay awoodaan. La-yaabna malahan in baaskiil xattaa lagu yimaado Makka. Muhammad Fauzan oo sannadkan fogaan dhan 5,000 km usoo jaray si uu usoo gaaro Makka isaga oo ku socda baaskiil ayaana kamid ah. Waxayna ku qaadatay in ...

Read More »

Haween la barayo sida loo dhaqo Meydka Qofka Muslimka ah + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Wedka lama huraayo. Laakiin dhimashada qofka Muslimka ah, sida insaanka kale, waa u tiiraanyo iyo xanuun qoyskiisa. Hayeeshe, marba haddii ay tahay safar aan la hureyn, waa muhiim in la barto sida loogu diyaargaroobo. Meyridda iyo dhaqidda qofka Muslimka ahina waa midda ugu muhiimsan. Sidaas darteed, ayay hey’adda Ilford charity ugu qabatay dhowr haween Muslimaad ah sida ...

Read More »

Aabbe – isaga oo oofinaya balanta Gabadhiisa – Ceel iyo Masjid u dhisay Muslimiin sabool ah.

MUQDISHO (HN) — Maryam waxay jirtay 7 sanno markii ay u geeriyootay Kansar uga dhacay minka sannadkii 2017. Kahor dhimashadeeda, Maryam ayaa aabaheed Sahgir Ahmed, oo ku nool Birmingham warsatay inuu u baxo Afrika si uu danyarta u caawiyo. “Laba toddobaad kahor dhimashadeeda, waxay ii sheegtay inay dooneyso inay Afrika aado oo ay kasoo dhisto ceelal biyood ay ku harraad-baxaan ...

Read More »

Sababta Lammaane Muslimiin ah ay hadyado u guddoonsiiyaan ilmaha wadne-xanuunka qaba.

MUQDISHO (HN) — Lammaane Muslimiin ah oo cunug laba jir ah oo ay dhaleen u geeriyooday xanuunka wadne xanuunka ayaa go’aansaday inay raaadkiisa nooleeyaan iyaga oo dadka ku jira isbitaallada ee wadnaha ka xanuunsan. Yahya Rawat, wuxuu ku dhashay xaalado xanuunka wadnaha ah oo isbiirsaday mana loo fileyn inuu sii noolaan doono laba bil kaddib. Wuxuu ku dhintay dhabta hooyadiis ...

Read More »

Ardaydii ‘hal maalin ka soomay’ Ramadaanka.

MUQDISHO (HN) — Arday dhigata iskuulka Lancashire ayaa Ramadaankii tagay ka soomay hal maalin si ay ardayda Muslimiinta ah ula qeybsadaan maalintooda waxna uga bartaan waaya’aragnimada soonka. Tallaabtan ay ku dhaqaaqeen ardayda dugsiga Darwen Aldridge Enterprise Studio School waxaa usoo jeediyay barahooda maadada seyniska, Qasim Hussain oo aad ugu faraxsanaa inuu arko ardaydiisa kala diimaha ah inay maalin qura wada soomaan. ...

Read More »

Laacibka iska diiday inuu xirto maaliyadda lagu soo xardhay astaanta ragga isku hawooda.

MUQDISHO (HN) — Laacibka Muslimka ah ee qadka dhexe uga cayaara Kooxda Paris Saint-Germain, Idrissa Gueye ayaa la seejiyay kulan kamid ah horyaalka dalkaas oo ay la dheelayeen naadiga Montpellier kadib diidmo uu ka keenay xirashada funaanad lagu soo xardhay midabada qaansa-roobaadka ama jeegaanta oo astaan u ah ragga u hawooda ragga kale ee qowmu-luudka ah. Gueye ayaa tarabuunka ka daawanayay ...

Read More »

Robot ku jawaabaya 11 luqadood oo lagu soo kordhiyay Masjidka Xaramka ee Makka.

MUQDISHO (HN) — Masjidka Weyn ee Xaramka Makka ayaa ugu dambeyntii soo kordhiyay kaashi-robot ah oo xujeyda Muslimiinta ah ka caawinaya inuu kaga jawaabo su’aalaha diiniga oo ay rabaan. Waxaase kasii yaab badan inuu kuugu jawaabi karo 11 afaf ama luqado ah haddii aad su’aal weydiiso. Robot wuxuu xujeyda uga jawaabaya weydiimaha la xiriira fatwooyinka, acmaasha xajka iyo wixii la ...

Read More »

Shiikh iyo Baadari iskaga imaanaya kaalmeynta Darbi-jiifta Brazil.

MUQDISHO (HN) — Shiikh iyo Baadari ayaa isu-taagaya inay caawiyaan darbi-jiifta ku nool magaalada Sao Paulo – iyaga oo ku gaaf-wareegaya degmooyinka magaalada si ay cunnooyin bisil u siiyaan. Waxaa horboodaya wadaad lagu magacaabo Rodrigo Jalloul iyo baadari la yiraahdo Júlio Lancellotti oo labaduba caan ka ah magaalada. Kulankoodu wuxuu kasoo bilowday kulan diimeed dood ah oo loogu qabtay muuqbaahiye ...

Read More »

Laacibkii Qaranka Cameron oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Ruugcadaagii kubadda cagta xulka Qaranka Cameron, Patrick Mboma ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo la baxay magaca Abdoul Djalil Mboma gudaha Masjid ku yaalla magaalada Douala. Muuqaallada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya laacibkan oo shahaadada loogu qabanayo Masjidka Bonamosadi. In kasta oo Mboma uusan si furan uga hadlin qaadashadiisa Islaamka, haddana wuxuu bartiisa kula wadaagay muuqaallo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!