HomeDunida MuslimkaCodbaahiye Masjid oo lala wareegay iyo Mu'addinkiisa oo loo xiray sababta aadaankooda...

Codbaahiye Masjid oo lala wareegay iyo Mu’addinkiisa oo loo xiray sababta aadaankooda loo maqlay!

MUQDISHO (HN) – Sheekh Muslim ah ayaa lagu xiray degmada Bijnor ee gobolka Uttar Pradesh, dalka Hindiya markii mas’uuliyiin sare ay maqleen aadaanka salaadda oo laga sii deynayay cod-baahiye masaajid, isla markaana ay booliiska ku amreen inay tallaabo ka qaadaan.

Guddoomiyaha degmada, Umesh Pratap Singh iyo taliyaha booliiska degmada, Krishan Kumar Bishnoi, waxaa Sabtidii kusii jeeday barnaamij dadweynaha looga dhageysto cabashooyinka oo loo yaqaan Samadhan Diwas, markii ay maqleen aadaanka salaadda oo ka yeeraya masaajid ku yaalla xaafadda Makbara.

Taliyaha booliiska ayaa isla markiiba u yeeray booliiska deegaanka si ay tallaabo uga qaadaan. Saraakiisha booliiska ayaa la wareegay cod-baahiyaha ku rakibnaa masaajidka, waxayna xireen wadaadka lagu magacaabo Mohammad Faizan.

Booliiska ayaa ku eedeeyay in codka codbaahiyaha uu ka sarreeyay xadka sharcigu oggol yahay. Sarkaal booliis oo darajadiisu tahay taliye-waaxeed oo la yiraahdo, Saurabh Kumar, ayaa gudbiyay cabasho sababtay in dacwad laga diiwaan-geliyo Faizan.

Taliyaha saldhigga booliiska deegaanka ayaa sheegay in wadaadka la xiray laguna soo oogay eedeymo la xiriira khalkhal-gelinta nabadda. Waxaa la horgeeyay maxkamadda garsooraha heer-hoosaadka degmada kaddibna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Warbixintu ma sheegin heerka codka ee lagu cabbiray masaajidka, mana aysan xaqiijin in mas’uuliyiintu sameeyeen cabbir rasmi ah oo lagu ogaanayo heerka codka kahor inta aan tallaabada la qaadin.

Tallaabo kale oo arrintan la xiriirta, taliyaha booliiska ayaa shaqada ka joojiyay askari booliis oo xaafadda ka howlgala, Lalit Kumar, isaga oo ku sababeeyay dayacaad ku aaddan fulinta xeerarka isticmaalka cod-baahiyeyaasha.

Bishnoi ayaa sheegay in aan cod-baahiyeyaasha goobaha cibaadada loo oggolaan doonin inay ku shaqeeyaan cod ka sarreeya xadka sharcigu dhigayo.

Wuxuu intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha diimaha horay looga digay arrintan isla markaana dhammaan taliyeyaasha saldhigyada booliiska lagu amray inay askarta xaafadaha ka shaqeysa ka qaadaan qoraallo dhaar ah oo ay ku xaqiijinayaan in xeerarka xaddidaya buuqa laga dhaqan-gelinayo goobaha ay mas’uulka ka yihiin.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments