MUQDISHO (HN) – Siyaasiga Xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) – ahna xildhibaan hore – Kirit Somaiya, ayaa Muslimiinta ku eedeeyay inay beddelayaan qaab-dhismeedka tirada dadka magaalada Mumbai iyaga oo adeegsanaya dhalmo badan.
Somaiya wuxuu qoraal uu ku daabacay barta X iyo warqad uu u diray Madaxa Xukuumadda Gobolka Maharashtra, Devendra Fadnavis, ku sheegay inuu jiro waxa uu ku tilmaamay shirqool lagu doonayo Muslim Mumbai isaga oo ka digay in magaalada Mumbai ay halis ugu jirto inay lumiso aqoonsigeeda Marathi-ga.
Isaga oo soo xiganaya xog ku saabsan tirada carruurta ku dhalatay Mumbai iyo diimaha waalidkood, wuxuu sheegay in sannadkii 2025 ay magaalada ku dhasheen 48,554 carruur Muslim ah, halka tirada carruurta Hinduuga ah ay ahayd 70,380. Sida uu sheegay, saamiga dhalashada ayaa hadda ah saddex carruur Hindu ah labadii carruur Muslim ah.
“Waqti dheer ma qaadan doonto in Mumbai-gii Marathi-ga ahaa uu isu beddelo Muslim Mumbai,” ayuu qoray Somaiya.
Somaiya wuxuu xusay in markii Hindiya ay xornimada qaadatay sannadkii 1947-kii, Muslimiintu ay ka yaraayeen 10 boqolkiiba dadka ku nool Mumbai. Tirakoobka sannadkii 2011-kii ayaa muujiyay in Muslimiintu ay noqdeen 20 boqolkiiba dadweynaha magaalada. Waxa uu saadaaliyay in tiradaasi ay hadda gaartay 25 boqolkiiba, isla markaana ay gaari karto 31 boqolkiiba marka la gaaro sannadka 2051-ka, isaga oo saadaashaas u kasoo xiganaya Machadka Tata ee Cilmibaarista Bulshada (TISS).
Waxa kale oo uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay Mumbai laga diiwaangeliyay dhalashada 336,000 carruur Hindu ah, marka la barbardhigo 220,000 carruur Muslim ah.
Siyaasigan ayaa ugu baaqay dowladda gobolka Maharashtra inay dhisto guddi daraaseeya isbeddelka tirada iyo qaab-dhismeedka bulshada magaalada oo lamid ah guddiga heer qaran ee daraaseeya isbeddellada dadka. Waxa uu sidoo kale ka digay heerarka dhalmada oo uu ku tilmaamay kuwo sarreeya, isaga oo arrintaas ku daray eedeymo la xiriira dadka uu ku sheegay inay si sharci-darro ah dalka kusoo galeen, sida muwaadiniin Bangladesh ah, Rohingya iyo Muslimiin ka yimid waqooyiga Hindiya.
Hayeeshee, hadallada Somaiya ayaa durba dhaleeceyn kala kulmay dad ka shakiyay saxnaanta tirooyinka uu soo bandhigay. Xogta rasmiga ah ee Hay’adda Dawladda Hoose ee Greater Mumbai (BMC) ayaa muujisay in sannadkii 2025 magaalada laga diiwaangeliyay 117,606 carruur ah oo nolol ku dhashay, taas oo qiyaastii kun ka yar wadarta tirooyinka uu Somaiya soo bandhigay.
Somaiya wuxuu horay u jeediyay hadallo lamid ah oo muran dhaliyay. Bishii Sebtembar, BMC ayaa jartay biyaha masjid ku yaallay Mumbai, kaddib olole uu Somaiya ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray Land Jihad oo la micno dagaal dhul la doonayo in lagu qabsado.
Bishii Luulyo, waxa uu dugsi ku yaalla Mumbai ku tilmaamay “madrasa aan sharciyeysneyn”, isaga oo ku tilmaamay tusaale kale oo uu ugu yeeray ‘School Jihad’ oo la micno ah dagaal lagu doonayo in waxbarashada lagu saameeyo.