crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Faallooyinka | HimiloNetwork

Faallooyinka

Madaxweynaha cusub iyo Mushkiladaha horyaalla.

MUQDISHO (HN) — Kuma cusba dhegaha dadka magaciisu. Muuqiisana haba sheegin. Siyaalo dhowr ah oo kala duwan ayuu uga qeyb ahaa geeddi-socodka nolosha rayidka siiba dhanka wax-barashada iyo hey’adaha. Laakiin wuxuu mar qura saaxadda caannimada iyo hadalheynta qabsaday 10 sannadood kahor. Waana halka ay kasoo bilaabato waaya’aragnimadiisa madaxtinimada Soomaaliya. Sannadkii 2012-ka, doorasho ay ku loolameen isaga iyo Shariif Sheikh Axmed ...

Read More »

Soonku waa Samafal iyo Sahayda oo la badsado!

MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadaan waa bil bilaha kale oo dhan uga duwan is-beddelka ay la timaado taas oo ay ugu weyn tahay ka soomidda cunnada iyo cabitaanka iyo aqriska Qur’anka iyo badinta acmaasha wanaagsan oo dhan. Dad badan waxay doorbidaan inay in yar ka shaqeeyaan; in bandanna ka nastaan si ay uga gaashaantaan oonka iyo harraadka maalinkii oo dhan. ...

Read More »

Faallo iyo Falanqeyn: 3 Qodob oo Soomaaliya ka Caawin kara ku Guulaysiga Dacwadda Badda.

MUQDISHO (HN) — Feb 02, 2018: – Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska, ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. June 25, Maxkamada ICJ ayaa mudeeysay in 9ka ilaa 13ka bisha ...

Read More »

How Covid-19 Crisis is shaping Somalia?

MUQDISHO (HN) — As the number of those infected and the death toll of Covid-19 patients are in increase simultaneously, the government failed to save the health system from total collapse. The Banadir local authority partially shut down the city to contain the disease and that didn’t stop the situation from worsening. An estimated 99% of government-run hospitals with intensive ...

Read More »

Yididiiladii Aabahay.

MUQDISHO (HN) — Waayihii adkaa oo ay hooyaday noloshayda kasoo martay marwalba oo aan xusuusto, waxaa sidoo kale ii sawirma sawir qurux badan oo ay nolosha aabbahay iiga sheegi jirtay. Kahor intaanu af-gembiga dhicin, aabbahay wuxuu ahaa da’yar goor hore oo noloshiisa kamid ah ku guuleystay inuusan kaliya maareyn nolosha qoyskiisa iyo tan waalidkiisa, balse sidoo kale ku guuleystay inuu ...

Read More »

Qisada ka danbeysa Qalin-jebintayda Jaamacadda.

MUQDISHO (HN) — Toddobaad kaddib oo laga joogo markii aan difaacday Buugaygii Jaamacadda, waxaan wali il gacaltooyo leh kusii eegayaa sannadihii wacnaa oo joogitaanka Jaamacaddu iiga dhignaa wax walba taa oo si aan gunteeda u xaqiijiyo darteed wax kasta ugu bareeray. Waayo qalin-jabintayda laf ahaanteeda ayaa sharixi karta wax walba oo ku saabsan wax-barashadayda Jaamacadda. Sannadkii 2011 markii ugu horreysay ...

Read More »

Xusuus Togan – 11 sano kaddib Geeridii Hooyaday.

MUQDISHO (HN) — Maanta oo kale 14 Janaayo 2009, waxaa subax iigu waabariistay farxad iyo maalin caadi ah uu gabbalkeedu iigu dumay murugo iyo uur-ku-taalo. Goor duhur ah ayaa la iisoo sheegay Dhimashada Hooyaday oo aan muddo sannad ku dhow arag. Waxaan ahaa arday ku jira sannadkii ugu danbeeyey dugsiga dhexe oo walaalkiis – dhawaantaa guursaday – kula nool magaalada ...

Read More »

‘Dhalinyarada dulman’ – Oraah marin habaabineysa Da’yarteenna.

Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaa innagu badan oraahda ah ‘dhallinyaradu wey ku dulmantahay siyaasada maadaama aan xil loo dhiibin ama koonta xaddidan oo xoogan aan laga dhex siin baarlamaanka wadanka’, sidoo kale waxaa aad u badan dhallinyarada ay saameyn ku yeelatay kalimaddaas oo daba hingaadsha dhawaaqyadaas dulmiga loo ekeysiiyay. Maddiidani in dhallinta ey dulmantahay eyna kala simantahay muwaadiniinta kale ee dalka, ...

Read More »

Soomaaliya – Dal Dihan; Dadkiisuna Dawarsadaan!

Muqdisho (Himilonetwork) – Soomaaliya waa dal dhaca Geeska Afrika kaasi oo xudduud ahaan la wadaaga dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kiinya iyo Badweynta Hindiya. Soomaaliya waa dalka 2aad ee ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, dhulka ayaa u qeybsama deegaanno sare, dhuldaaqsimeed iyo buuroley, Cimilo ahaan waddankeennu waa mid diiran sannadki oo idil, inkastoo ay soo dhacaan dabeylaha monsoonku iyo roob aan joogto ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!