MUQDISHO (HN) — Waa muuqaal filan waa ku reebay Soomaali badan oo uu sameeyey mid kamid ah youtuberada ugu caansan Soomaalida. Waa Baba Jeey oo ah dadka loogu raacashada badan yahay barta youtube-ka oo ficil qariib ah oo horay qof Soomaali ah ama madow kale oo Afrikan ah uusan u sameynin.
Laakiin maxaa hadda kusoo beegay?
Isaga ahaan, waa rikoor cusub oo sida uu yiri doonayo inuu ku galo diiwaanka qofkii koowaad ee qaaradda Afrika kasoo jeeda oo ka wardoona nolosha naga qarsoon ee ka bilaabata marka qofka ii lama qabriga la dhigo.
Aan in yar dib idin celinno.
Horraantii sannadkan aynu kujirno ayaa nin youtuber ah una dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Mr beast waxa uu dadka ku xiran bartiisa YouTube u sheegay in uu soo tijaabinayo nolosha ka jirta qabriga iyo waxa kajira hadallada dadka Muslimiinta oo ah inay jiraan su’aalo iyo cadaabul-qabri intaba ninkani waxa uu horay usii qaatay kahor inta aan la aasin agab walba oo isgaarsiin ah, ogsijiin iyo cuntooyinkii uu isticmaali lahaa muddo ku dhow hal saac ayuuna ku jiray godkaasi.
Kadib dhacdadaas waxaa isna tijaabo midaa lamida sameeyey nin kale oo isna udhashay wadanka Hindiya balse markii laga soo saaray sanduuqa lagu aaso meydka waxa uu galay koomo waxaa isla markiiba loola cararay isbitaal si caafimadkiisa loo hubiyo.
Xasuusnow daawade dadkaasi waxa ay ahaayeen gaalo aan aaminsaneyn jiritaanka Alle islamarkaasna si jees jees ah usameeyey ficilkan qaabta daran.
Hadaba aynu u imaano biya dhaca arrinta mucjisada leh ee ka yaabisay dhamaanba umada Soomaliyeed oo uu sameeyey Baba Jeey. Gudaha muuqaalka ayaa la arkayaa isaga oo naxashka lagu aaso dadka gaalada ah oo lagu rakibay kaamirooyinka u dhaadhicinaya luxudka ama qabriga kahor inta uusan gelin si loogu daboolo.
Saaxiibadiis iyo isagu waxay ku wada xiriirayaan qalab isgaarsiineedka gacanka, waxayna sidii kuwii kaga horreeyey tubtan ku aasayaan ciidda. Fiidiyowga ayuu sheegay inuu – sidii kuwii ka horreeyey – ku doonayo inuu ka wardoono nolosha qabriga nuuca ay u eg tahay! – Subxanallah.
Wuxuu muuqaalkiisu ku sheegay inuu rabo 24 saac inuu ku dhex sugnaado qabriga. Muddada la daawanayo muuqaalka, wuxuu saaxiibadiis weydiisanaya biyo uu cabo inay usoo mariyaan tubbooyinka. Balse daqiiqado cayiman kaddib waxaa durba go’aya xiriirkii ka dhaxeeyey isaga iyo saaxiibadiis.
Muuqaalkiisu ugu yaraan wuxuu saaka abuuray hadalheyn, wuxuna qeyb ahaan dadka ka jeediyay xuska maalinta weyn ee 26-ka June. Dad badan ayaa aaminsan in ujeedkiisa ugu weynba uu intaas ku ekaa. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay inuu sidoo kale si qaldan u maalgeliyay fikrad aan sinnaba xiriir ula yeelan Karin dhaqanka iyo diinta Islaamka.
Caalamka naga qarsoon ee Barzaq la yiraahdo wuxuu qofku gala marka uu ka dhamaado nolosha adduunyada oo iilka la dhigo. Waxaana qofka Muslimka ah uu aaminsan yahay inay xisaabtiisu halkaas uga bilaabanayso. Nolosha dhabta ah ee masiirka qofkuna uu halkaas ku heli doono wixii uu kasbaday intii uu ifka joogay.
Waana arrin ka weyn wax muuqaal laga sameeyo. Baba Jeey oo marar badan sameeyey falal anshaxa suuban iyo dhaqanka Islaamka ku ah ceeb iyo gef weyn, wuxuu kusii socdaa inuu siduu rabo ugu ciyaaro cuquusha dadka raacsan ee muuqaalladiisa daawada.
Qore: Maxamed Xirsi.
Kala xiriir: maxamedxirsi245@gmail.com.
You must log in to post a comment.