HomeDunida MuslimkaAfar Ayeeyo oo Marooko u dhashay oo sannadkan kamid ah xujeyda Makka...

Afar Ayeeyo oo Marooko u dhashay oo sannadkan kamid ah xujeyda Makka joogta.

MUQDISHO (HN) — Sannadkan wuxuu Xajka dhadhan ka duwan saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay u sameynayaa Muslimiinta gaar ahaan xujeyda nasiibka u yeelatay inay sannadkan xaadiraan – sababtuna waa in labadii sannadood ee lasoo dhaafay oo xanuunka Covid-19 ee faafaya awgiis tirada aadaysa aad loo yareeyey.

Afar ayeeyood oo u dhashay dalka Morooco ayaa sannadkan kamid ah xujeyda. Waxaana u romowday riyo nololeed ay gu’yaal badan ku taami jireen. Waxay da’doodu u dhaxaysaa 65 – 82 jir, waxayna si joogto ah usoo codsan jireen ka qeybgalka xajka sannadihii lasoo dhaafay laakiin uma suuragalin.

Sannadkan waxay heleen jawaab muddo badan ay sugayeen, waxaana lagu wargeliyay inay heleen dal-ku-galka Sucuudiga si ay usoo xajiyaan.

“Kini dhaaxaa ayaan sugeynay maalintan,” ayay u sheegeen warfaafinta iyaga oo ku sugan gegida diyaaradaha ee Marooko.

Afartuba waxay kamid yihiin boqollaalka Morooko ka imaanaya ee sannadkan u yimid inay gutaan acmaasha xajka iyo cumrada.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments