crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Yeynu Nahay?! | HimiloNetwork

Yeynu Nahay?!

Shabakadda Arrimaha Bulshada, Dunida Muslimka iyo Degaanka ka faallooda ee Himilonetwork.com/net waxaa la aas-aasay bishii June sannadkii 2015-ka. Waxaana markii ugu horreysay loo yiqiin Himilonews.com. 
Sannadihii lasoo dhaafay, mareegtu waxay xoogga saartay soo-gudbinta arrimaha saameynta leh ee degaanka iyo bulshooyinka caalamka ay la nool yihiin iyo sidoo kale  xal-u-helidda mushkiladaha heysta dadka iyo duunyada.
Fikradda dhalashada Shabakadda HIMILONETWORK waxay ku timid si fudud. Balse waxay si adag uga howl-gashay inay jideyso cuquusha da’yarta Soomaaliyeed kuwaas oo ku dhex sugan badweyn warbaahineed oo inta badan aan la faaqidin fikradaha, balse lagu falan-qeeyo dhacdooyinka. Meelaha kale oo ay xoogga saarto waxaa kamid ah madadaalada, cilmi-baarista, faallooyinka, iyo jaceylka lammaanaha si loo xoojiyo isku dheelli-tirnaanta xogaha aan idin soo gudbino.
Dhowrkii sannadood oo milkiilaha  Shabakadda Himilonetwork, Ustaad Zakariya Xasan Maxamed uu hadba kasoo shaqeynayay warbaahinta gudaha qaarkood, macluumaadka uu la wadaagay, waxay qeyb ka yihiin keydka Shabakadda.
Shabakaddu wax xiriir ah lama lahan ururrada ka jira dalka sida mid diimeed, siyaasadeed iyo qabaa’ileed. Hadafkeedu waa abuurista duni cusub oo Soomaalida maanta ay gacmaheeda ku dhistaan si ay dhaxal muuqda uga tagaan jiilka soo socda qarni kaddib. Waana mid u madax bannaan fikradaheeda. Mana ahan faa’iido doon ah oo – maanta iyo mustaqbalkaba – waa mid aan lagu sedbursan doonin.
Guulaha macwaniga ah oo hadba mareegtu kusoo kordhinayso cuquusha jiilka maanta waxay runtii bilow fiican u tahay baraaruga iyo usoo-jeedsiga daryeelka degaanka iyo duunyada. Xilli aan u diyaar-garoobeyno soo dhaweynta sannad-guuradii 4aad ee Shabakadda, waxaa si lagu faani karo qeyb uga nahay is-beddellada  xaga deegaanka iyo nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshadeena Soomaaliyeed.
Annaga oo ku niyadsan inaad ku qanacsan tihiin adeegga warbaahineed ee Shabakadda Himilo Network, naga guddooma salaan iyo kalgaceyl.
Himilo Network – HanIyoHorseed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!