HomeWararkaMaqaayad - Macluusha ka jirta Soomaaliya darteed - Ganaax kusoo rogaysa Dadka...

Maqaayad – Macluusha ka jirta Soomaaliya darteed – Ganaax kusoo rogaysa Dadka Cuntada soo reeba!

MUQDISHO (HN) – Qashinka cuntada iyo khasaaraha ka dhasha waa arrin aynaan inta badan si dhab ah u dareensanayn. Sababtu waxay tahay in mararka qaarkood aynu u aragno waxyar oo hal mar dhacay. Dhab ahaantii, qaar badan oo inaga mid ah ayaa dalbada cunto ka badan inta aynu cuni karno, kaliya sababta oo ah waxaynu doonaynaa inaynu dhadhaminno cuntooyin kala duwan oo ku jira liiska makhaayadda.

Hayeeshee, makhaayad ku taalla dalka Sacuudiga ayaa go’aansatay inay arrintan wax ka qabato. Makhaayaddan ayaa bilowday inay macaamiisha ka qaaddo lacag dheeraad ah marka ay dalbadaan cunto ka badan inta ay cuni karaan, dabadeedna ay qayb kamid ah ka tagaan.

Fahad Al-Anazi, oo ah milkiilaha makhaayadda Marmar ee magaalada Dammam, wuxuu sheegay in tallaabadan ay ujeeddadeedu tahay sidii loo joojin lahaa khasaaraha cuntada iyo xad-dhaafka ama ku takri-falka faraha badan. Sida uu sheegay, wuxuu si joogto ah u arkaa macaamiil dalbada cunto aad u badan si ay dadka kale ugu muujiyaan awooddooda dhaqaale ama ay usoo jiitaan indhaha dadka la jooga.

Al-Anazi wuxuu intaas ku daray in fikradda ah in macaamiisha lagu ganaaxo cuntada ay ka tagaan aysan kahor imaanin bulshada Sucuudiga, balse ay dad badan soo dhaweeyeen. Qaar kamid ah macaamiisha ayaa xittaa sheegay inay cashar ka barteen arrintan, isla markaana mustaqbalka ay dalban doonaan oo kaliya cuntada ay awoodaan inay dhammeeyaan.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib markii uu milkiiluhu maqlay wararka ku saabsan macluusha ka jirta Soomaaliya halkaas oo dadku ay gaajo darteed ugu dhimanayaan.

Lacagaha laga helo ganaaxyadaas ayaa lagu deeqayaa dadaallada lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed oo ay macluushu saamaysay.

Tallaabadan ayaa keentay in Fahad Al-Anazi lagu ammaano inuu yahay qof isku dayaya inuu dadka wax ku baraarujiyo, isla markaana ka faa’iidaysto kheyraadka cuntada si uu u caawiyo dadka baahan. Waxaa xittaa lagu tilmaamay Robin Hood-ka dunida makhaayadaha.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments