MUQDISHO (HN) – Saddex maalmood kahor, agaasimaha filimada, sawir-qaadista iyo sheekooyinka soo bandhiga oo u dhashay Koonfur Afrika, Tebogo Malope, 29 jir ah, ayaa baahiyey muuqaal wareysi ah oo uu la yeeshay nin aan laga filayn inuu buugaagta aad u xiiseeyo oo lagu magacaabo Philani, 24 jir ah, isla markaana hoy la’aan ah.
Sheekada Philani, oo loo yaqaan Ninka Buugaagta ku Akhriya Waddooyinka waxay si xawli ah ugu faaftay baraha bulshada, waxaana sidoo kale ka warramay warbaahin caalami ah.
Philani waa nin si weyn u jecel akhriska buugaagta kaas oo doortay inuu dadka u falanqeeyo buugaagta, qaarna iibiyo; halkii uu dadka dawarsan lahaa.
Waxa uu tagaa waddooyin kala duwan oo ku yaalla magaalada Johannesburg isaga oo wata buugaag badan. Qofkii ka codsada, waxa uu uga warramaa buugga, qoraaga qoray iyo madbacadda daabacday.
“Waxa uu akhriyey dhammaanba buugaagta uu hadda haysto, mar walbana waxa uu raadiyaa buugaag kale oo uu akhriyo,” ayuu yiri Tebogo.
Waxa uu intaas ku daray in Philani uu qaar kamid ah buugaagtiisa iibiyo si uu dhaqaale ugu helo naftiisa iyo qaar kamid ah saaxiibbadiisa hoylaawayaasha ah.
Tebogo ayaa sidoo kale baaq u diray dadka awoodda u leh inay wax ku biiriyaan nolosha Philani, isaga oo yiri:
“Philani waa tusaale wanaagsan oo muujinaya awoodda akhriska. Waxa kale oo uu noqon karaa safiir aad u wanaagsan oo dhiirrigeliya dhallinyaradeenna.”
Muuqaalka wareysiga, Philani waxa uu ku sheegay in akhriska buugaagtu aanu waxyeello lahayn, isaga oo yiri: “Ma jiro aqoon waxyeello leh.”
Waxa uu sidoo kale sharraxay faa’iidooyinka akhriska, isaga oo xusay sida buuggu wax weyn uga beddeli karo nolosha qofka, nolosha ilmaha yar iyo xattaa qofka ku nool xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah.
Muuqaalkii uu Tebogo baahiyey ayaa sababay in darawallo markii hore baabuurtooda la dhaafi jiray Philani ay hadda istaagaan si ay ula sheekeystaan ninka buugaagta ku iibiya waddooyinka.
Waxaa sidoo kale booqday qoraaga buugga Entanglement, Steven Boykey Sidley, kaas oo hadiyad ahaan u siiyey buuggiisii ugu dambeeyey.
Waxaa la sheegay in qoraaga uu Philani ugu jecel yahay uu yahay John Grisham, sababta oo ah sida uu sheegay, qoraagu waxa uu wax ka qoraa caddaaladda bulshada oo uu Philani aaminsan yahay inay tahay waxyaabaha dunida maanta aadka uga maqan.
Jacaylka weyn oo Philani u qabo buugaagta ayaa la sheegay inuu ka bilowday xilli uu isku dayayey inuu naftiisa ka badbaadiyo balwadda maandooriyaha, isaga oo ka faa’iidaysan jiray akhrinta buugaagta dadka naftooda horumariya.
Dhanka kale, Tebogo Malope, oo ah ninka soo bandhigay sheekada Philani, wuxuu isaguna yaraantiisii ku noolaa deegaanka Soweto ee Koonfur Afrika, oo uu mar walba ku hammiyi jiray inuu noqdo qof sheekooyin dadka uga warrama.
Xirfaddiisa waxaa kamid ahaa agaasimidda muuqaallada heesaha, daabacaadda sawirrada iyo hagidda musalsallada telefishinnada, sida Skeem Saam 2. Hayeeshee, sheekada Philani ayaa laga yaabaa inay noqoto sheekadii ugu saamaynta badnayd oo uu illaa hadda soo bandhigo.
Sheekada dhiirri-gelinta leh ee Philani Dladla ayaa hadda gaartay dalal badan oo caalamka ah. Waxa uu rajaynayaa in dareenka iyo taageerada uu helay ay isu beddelaan kaalmo dhab ah oo lagu horumarinayo mashruuciisa faafinta akhriska iyo naadiga buugaagta (Book Readers’ Club), kaas oo loogu talagalay carruurta danyarta ah ee ku nool magaalada Johannesburg.
Philani hadda waxa uu leeyahay bog internet oo ay dadku kala xiriiri karaan kana taageeri karaan mashruuciisa: www.pavementbookworm.co.za.