MUQDISHO (HN) – Qol gaar ah oo loogu talagalay salaadda Muslimiinta kuna yiillay xarunta ganacsiga Inorbit Mall ee magaalada Mumbai, waa la xiray kadibna la dumiyey markii kooxaha Hindutva ay dibadbaxyo ka sameeyeen iyaga oo kasoo horjeeday jiritaankeeda.
Muran ayaa ka dhashay muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada oo ay ku jireen laba gabdhood oo aan qaan-gaarin kuwaas oo xijaabnaa kana soo baxayay qolka loogu talagalay tukashada salaadda (Namaz Room).
Labada gabdhood ayaa muuqaalka ku sharraxay in qolkaasi ahaa goob si wanaagsan loo qalabeeyey – lehna qaybo ragga iyo dumarka u kala gaar ah – iyo meel lagu waysaysto. Waxay sidoo kale ku boorriyeen dadka booqda xarunta ganacsiga inaysan dayicin salaaddooda.
Kooxo iyo shaqsiyaad katirsan garabka midigta fog ee Hindutva ayaa si weyn u dhaliilay muuqaalkaas – iyaga oo ku andacooday in tallaabadaasi ay ahayd isku day lagu doonayo in magaalada Mumbai loogu beddelo meel ay ku xooggan tahay saameynta Islaamku ama sida ay hadalkooda u dhigeen Bakistaanowda iyaga oo adeegsanaya magaca cilmaaninimada.
Ururka Hindutva ee Sakal Hindu Samaj ayaa muuqaalka ku baahiyey barta X iyaga oo sheegay in magaalada Mumbai ay ku socoto waddadii ay ku noqon lahayd Pakistan.
Ururkaasi waxa uu sheegay in xarunta ganacsigu ku taallo dhul lala xiriiriyo boqorkii taariikhiga ahaa ee Chhatrapati Shivaji Maharaj isla markaana ay booqdaan dad diimo kala duwan haysta. Hayeeshee, waxa uu su’aal ka keenay in dadka Hinduuga ahi ay iyaguna goobtaas ku qabsan karaan cibaadadooda.
Kooxda ayaa intaas kadib mudaharaad ka dhigtay xarunta ganacsiga iyaga oo dalbaday in gebi ahaanba meesha laga saaro qolka salaadda Muslimiinta.
Maalintii xigtay, ururka Sakal Hindu Samaj ayaa bartiisa X ku baahiyey muuqaal kale oo muujinayay goobtii oo la dumiyey gebi ahaanba.
In kasta oo qolalka salaaddu aysan weli si weyn ugu baahnayn xarumaha ganacsiga ee Hindiya, haddana xarumo ganacsi oo badan ayaa leh goobo ay dadka diimaha kala duwan haysta ku qabsan karaan cibaadadooda, si qof kasta uu fursad ugu helo inuu ku tukado isaga oo aan loo kala soocin diintiisa ama bulshada uu katirsan yahay.