MUQDISHO (HN) – Daraasad cusub oo ay samaysay xarunta cilmi-baarista Pew Research ayaa saadaalisay in dadka Muslimiinta marka la gaaro sannadka 2035-ka badnaan doonaan dadka Kiristaanka ah, iyaga oo gaari doona qiyaastii 2.57 bilyan – halka Kiristaanka lagu qiyaasayo 2.52 bilyan. Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in kororka Muslimiintu uu inta badan la xiriiro heerka dhalmada oo ka sarreeya kan diimaha kale.
Xogta daraasaddu waxay muujinaysaa in intii u dhexeysay sannadihii 2020 iyo 2025 ay haweenka Muslimiintu dhaleen qiyaastii 252 milyan oo carruur ah, halka haweenka Kiristaanka ahi ay dhaleen 208 milyan. Celceliska dhalmada haweeney kasta oo Muslimad ah ayaa lagu qiyaasay 3.1 carruur ah, marka la barbar dhigo 2.5 carruur ah haweeneyda Kiristaanka ah iyo 1.6 carruur ah haweenka katirsan diimaha kale.
Xeeldheeraha tirakoobka Pew, Conrad Hackett, ayaa arrintan kusoo koobay hadal ah: “Waa carruurta dhalanaysa.” Khubaradu waxay tilmaamayaan in heerka dhalmada 2.1 carruur ah haweeney kasta guud ahaan uu ku filan yahay joogtaynta tirada bulshada jiilba jiil. Muslimiinta ayaa ah kooxda keliya ee kamid ah diimaha waaweyn oo la filayo in tirada dhalmada ay u kororto tobannaanka sano ee soo socda.
Sannadkii 2020, dadka Kiristaanka ah waxaa lagu qiyaasay 2.27 bilyan, halka Muslimiintu ahaayeen 2.02 bilyan. Hayeeshee, saadaashu waxay muujinaysaa in farqigaasi isbeddeli doono marka la gaaro 2035, iyada oo Muslimiintu hormuud noqon doonaan.
Sannadka 2070, tirada Muslimiinta ayaa la filayaa inay dhaafto 3.6 bilyan, halka Kiristaanku ay wax yar ka yaraan doonaan 3 bilyan. Cilmi-baaristu waxay sidoo kale saadaalisay in in ka badan kala bar dadka Kiristaanka ah ay markaas ku noolaan doonaan Afrikada Saxaraha ka hooseysa.
Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in Maraykanka iyo Kanada ay wajihi karaan isbeddel weyn oo dhanka diimaha ah. Maraykanka, oo hadda qiyaastii 62% dadka qaangaarka ahi isku aqoonsan yihiin Kiristaan, waxaa la saadaalinayaa inuu lumin karo aqlabiyadda Kiristaanka marka la gaaro 2065. Tiradooda ayaa hoos uga dhici karta 217-74 milyan sannadka 2070. Kanada ayaa iyaduna laga yaabaa inay lumiso aqlabiyadda Kiristaanka horraanta 2030.
Hoos-u-dhacan waxaa qayb ahaan sabab u ah dad badan oo dooranaya inaysan isku aqoonsan diin gaar ah. Dadka Maraykanka ah oo aan diin ku xirnayn waxaa la filayaa inay gaaraan 41% bulshada sannadka 2070. Jeffrey Brodd, oo bare ka ah Jaamacadda California State University, Sacramento, ayaa dhanka kale soo jeediyay in qaar kamid ah kaniisadaha Protestant-ka ay dib u soo kaban karaan.
Yurub ayaa iyaduna la filayaa inay wajahdo isbeddel bulsho iyo mid diimeed. Tirada guud ee dadka qaaradda ayaa la saadaalinayaa inay hoos u dhacdo 17% marka la gaaro 2070. Dadka Kiristaanka ah ayaa hoos uga dhici kara 505 milyan ilaa 324 milyan, halka saamiga Muslimiinta Yurub uu ka kordhi karo 6% ilaa 13%. Dhanka kale, dadka aan wax diin ah ku xirnayn ayaa durba aqlabiyad ka ah 10 dal oo ay kamid yihiin Japan, Netherlands, New Zealand, Uruguay, Vietnam iyo Czech Republic. Faransiiska, Britain iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa la saadaalinayaa inay iyaguna ku biiraan dalalkaas marka la gaaro 2070.
Daraasaddu waxay sidoo kale saadaalisay in tirada dadka Hinduuga iyo Yuhuudda ahi ay kordhi doonaan, balse saamigoodu marka loo eego guud ahaan dadka dunida aanu si weyn u ballaaran doonin. Dhanka kale, tirada dadka Buudiska ayaa la filayaa inay hoos u dhacdo, taas oo qayb ahaan lala xiriiriyo hoos u dhaca tirada dhalmada dadka ku nool Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Cilmi-baarayaashu waxay caddeeyeen in isbeddelka diimaha la xiriira dadka diinta ka baxaya ama diimo kale qaadanaya uu saamayn yar ku leeyahay saadaashan marka loo eego dhalmada iyo qaab-dhismeedka da’da bulshada.
Alan Cooperman, oo ah agaasimaha cilmi-baarista diimaha Pew Research Center, ayaa ka digay in natiijooyinka daraasadda loo arko tartan u dhexeeya Muslimiinta iyo Kiristaanka. Wuxuu yiri: “Uma malaynayo in tani ay tahay xaalad kororka Muslimiintu uu ku imanayo khasaaraha Kiristaanka.”
Sidaas darteed, daraasaddu waxay xoogga saaraysaa in isbeddellada tirada dadka diimaha kala duwan ay yihiin natiijo ka dhalata dhalmada, da’da bulshada iyo isbeddellada tirakoobka caalamka, halkii ay ka ahaan lahaayeen tartan diimeed.