crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Madaxweynaha cusub iyo Mushkiladaha horyaalla. | HimiloNetwork

Madaxweynaha cusub iyo Mushkiladaha horyaalla.

MUQDISHO (HN) — Kuma cusba dhegaha dadka magaciisu. Muuqiisana haba sheegin. Siyaalo dhowr ah oo kala duwan ayuu uga qeyb ahaa geeddi-socodka nolosha rayidka siiba dhanka wax-barashada iyo hey’adaha. Laakiin wuxuu mar qura saaxadda caannimada iyo hadalheynta qabsaday 10 sannadood kahor. Waana halka ay kasoo bilaabato waaya’aragnimadiisa madaxtinimada Soomaaliya.

Sannadkii 2012-ka, doorasho ay ku loolameen isaga iyo Shariif Sheikh Axmed oo waagaas ahaa madaxweynihii ku-meelgaarka ayuu kaga guuleystay. Ku dhawaad shan sannadood ayuu ku fadhiyay kursiga madaxweynimada Soomaaliya ilaa laga yimaado sannadkii 2017-ka, markaas oo doorashadii dhacday uu kaga guuleystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Ra’iisulwasaare ka ahaa dowladdii ku-meelgaarka ahayd.

Hadda mar labaad ayuu ku guuleystay kursiga ugu sarreeya dalka. Waana soo laabasho taariikhi ah oo aan horay u dhicin hadda kahor. Wuxuu xilka kala wareegay isla madaxweynihii kaga guuleystay loolanka shan sannadood kahor.

Wixii xalay ka dhacay caasimadda Soomaaliyana waa diiwaan cusub oo ku mira-dhalay habeen kamid ah habeennada go’aamiya 1,500-ta boqol ee habeen ee soo aadan cidda ku hoyan doonto Villa Somalia.

Xasan Sheikh Maxamuudna wuxuu soo laabanayaa iyada oo wax walba sidii uu kaga tagay dhowr sannadood kahor aysan in badan sii ahayn sidoodii. Is-beddelkii dhacay gadaashiina ay wax badan oo fursado ah u abuuri karaan dowladdiisa cusub madaama dalku marxalado kala duwan – oo macaan iyo qaraar – isku laban ah uu soo maray.

Waaya’aragnimadii uu ka dhaxlay dowladdiisii hore iyo joogitaanka gudaha dalka iyo marka la isku daro sida dhow oo uu ula socday tabaalaha dalka ka jira, dad badan waxay la tahay inuu heysto fursad uu tagto raad qurxoon ku reebi karta geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya ku abuuri karo.

Waxayse taasi ku xirnaan doontaa hadba sida uu ula gedgedoomo xaaladaha isasoo taraya iyo dhacdooyinka mararka qaar – lama filaanka ah – ee soo wajihi kara dowladdiisa.

In kasta oo dhismaha Soomaaliyada ay Soomaalidu dooneyso aysan wali fari ka qodneyn, haddana saadaasha hadiyo jeer laga bixiyo samata-baxa Soomaaliya ma ahan mid laga deyrin karo. Dalka oo kasoo kabanaya burburkii laxaadka lahaa ee gaaray soddon sannadood kahor iyo dadka oo ka bogsanaya hurgumooyinka laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, waxay Soomaaliya usii jiidaysa hayaan ku-dhac iyo qab huwan oo ay kaga gungaari karaan qaabeynta nuuca timaadada ay la rabaan inay ka abuuraan Soomaaliyada beritto.

Hoggaanka hadiyo goor isku beddelaya talada dalkuna waxay – si inyar ku gaar in yar ah – kaga shaqeynayaan inay himiladaas hirgeliyaan. Caqabado badan ayaase ku horgudban sida musuqmaasuq, cadaalad-darro iyo dayac muuqda oo heysta kaabayaasha nolosha.

Hoggaanka soo laba kacleeyeyna waxaa looga fadhiyaa inuu dhaqangeliyo nidaam sees adag oo ka shaqeeya la-dagaalanka musuqa, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo loo dhan yahay, cadaalad iyo sinnaan iyo ku baahinta adeegyada bulshada dalka oo dhan.

Maantana waa maalin Xasan Sheikh Maxamuud laga dhursugayo inuu xal-u-helo intaas oo mushkilado ah.

Si kastaba, 1955 ayuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan. Waana 66 jir ay u dhaxaan laba xaas.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!