crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacibkii Qaranka Cameron oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Laacibkii Qaranka Cameron oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Ruugcadaagii kubadda cagta xulka Qaranka Cameron, Patrick Mboma ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo la baxay magaca Abdoul Djalil Mboma gudaha Masjid ku yaalla magaalada Douala.

Muuqaallada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya laacibkan oo shahaadada loogu qabanayo Masjidka Bonamosadi.

In kasta oo Mboma uusan si furan uga hadlin qaadashadiisa Islaamka, haddana wuxuu bartiisa kula wadaagay muuqaallo caddeyn u ah qaadashadiisa.

Sannadkii 1970-kii, ayuu dhashay laacibkan mar heysta gooldhalinta xulka qarankiisa Cameroon. Dhowr kooxood oo ka dhisan Yurub iyo Aasiyada fog ayuu usoo dheelay kahor inta uusan kusoo gurya-noqon dalkiisa sannadkii 2005.

Sannadkii 2000 ayaa loo magacaabay laacibka Afrika kaddib wacdarihii uu ka muujiyay kulamada qaaradda madow ee hodanka ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!