crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiikh iyo Baadari iskaga imaanaya kaalmeynta Darbi-jiifta Brazil. | HimiloNetwork

Shiikh iyo Baadari iskaga imaanaya kaalmeynta Darbi-jiifta Brazil.

MUQDISHO (HN) — Shiikh iyo Baadari ayaa isu-taagaya inay caawiyaan darbi-jiifta ku nool magaalada Sao Paulo – iyaga oo ku gaaf-wareegaya degmooyinka magaalada si ay cunnooyin bisil u siiyaan.

Waxaa horboodaya wadaad lagu magacaabo Rodrigo Jalloul iyo baadari la yiraahdo Júlio Lancellotti oo labaduba caan ka ah magaalada.

Kulankoodu wuxuu kasoo bilowday kulan diimeed dood ah oo loogu qabtay muuqbaahiye ku yaalla magaalada oo looga hadlayay kala duwanaanshiyaha diimaha. Wada shaqeyn dheer kaddib, waxay isla garteen in gaari caasi ah ay u nashqadeeyaan mashruuca kaalmada darbi-jiifta.

Howlgalkooduna wuxuu soo jiitay indhaha bulshada ku nool Sao Paulo. Hadda waxay karaankooda ku dadaalaan inay u gurmadaan dibjirta magaalada oo lagu qiyaaso inay gaarayaan 30,000.

Islaamku wuxuu dalka Brazil ka yahay tira-yar. Waxaa uu la yimid addoonsigii dadka madowga ahaa. Kadibna waxaa xigay Muslimiin ka timid Bariga Dhexe siiba Lubnaan iyo Suuriya.

In kasta oo tira-koobkii la sameeyey sannadkii 2010 lagu sheegay inay Muslimiinta Brazil gaarayaan 35,000, haddana waxaa la rumeysan yahay in tiradu intaas ku toban jibaaran tahay oo ay u dhaxeeyaan 400,000 ilaa 1.5 milyan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!