MUQDISHO (HN) — Jamaacada Masjid ku yaal Leida, dalka Spain ayaa Imamkooda kaga yaabsaday siin ama hadyad ah gaariga nuuca Audi-6 ah oo ay ugu abaalgudayaan dadaalkii iyo howshii adkeyd oo uu ka qaatay intii lagu jiray bisha Ramadaan.
Osama Bounasab, oo ah Imamka Masjidka Al-Rahmah ee Tarka ayaa helay abaalmarinta maalintii Ciidda.
“Maanta waa maalin ii gaar ah; waa maalin ay walaaladay iigu deeqeen gaari cusub – Ilaahay ayaana mahadda iska leh,” ayuu yiri.
Jamaacada oo badigood kasoo jeedo Maqrib ama Marooko waxay sheegeen inay doorbideen gaariga – beddelkii ay ka guddoonsiin lahaayeen lacago iyo wixii la halmaala. Fal-celintii ay ka heleen Imamkana waxay ahayd mid laabtiisa qaboojisa.
“Ilaahay meel ka qeyr badan ha u dhigo wanaagga ay ii sameeyeen; ubadka iyo reerahana Allaha u xafido,” ayuu yiri isaga oo u duceyanaya.
Marka loo eego Midowga Bulshada Muslimiinta Spain, Islaamku wuxuu 3.8% ka yahay shacabka Spain halkaas oo 40% ay yihiin Isbaanish; inta kalana waxay badigood kasoo jeedaan soo-galootiga waddamada Muslimiinta.


You must log in to post a comment.