HomeFaallooyinkaWarqad Furan oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh

Warqad Furan oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh

MUQDISHO (HN) – Tani waa warqad furan oo ku socta Madaxweynaha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Sheekh Maxamud. Mudane Madaxweyne iga guddoon muga hore salaan iyo bogaadin iyo hambalyo diirran oo aan kaaga sido shacabka Soomaaliyeed oo hoggaamintaada awgeed 30 sano kaddib bilaabay inay ku yididiiloodaan Soomaaliya cusub oo barwaaqo iyo nabad leh. Run ahaantii, hoggaamintaadu madaxweyne waxay dhaqaajisay ruuxda kumaankun dhalinyaro sidayda oo kale wax-baratay ah kuwaas oo iftiinka baxaya iyo taariikhda cusub oo aad horseedka u noqonaya doonaya inay kaala qeyb noqdaan.

Intaas kaddib, mudane Madaxweyne iga ogolaw adiga iyo shacbigaada Soomaaliyeed guud ahaan inaan qisadayda idin ka dhex tuso kumaankun qisooyin lamid ah oo la xiriira dulmiga, ku-takri-falka awoodda qaranka iyo cadaalad-darida kuwaas oo si maalinle ah ay ula harjadaan dhibanayaasha cadaalad-doonka Soomaaliyeed. Aniguna waxaan dhibane u ahay muddo afar sannadood ah helid la’aanta cadaalad aan dhulkayga ku dego. Waxaana eed la iiga dhigay sideed dhul birimo ah oo laami saaran aad ku heshay kuna rabtaa inaad ku degtid? Muxuu MSBarre kuu siiyay dhul aan annagu xaq u lahayn?

Si aan kuugu iftiimiyo qaab-dhismeedka booskaygu, mudane Madaxweyne waa dhul biis oo laga biisay dhulalkii damanyaalaha ahaa kuna yaalla degmada Dharkenley. 98% dhulalkaas kayga lamidka ah dadkii lahaa ayaa ku degan sharci lamid ah midka aan anigu heysto. Ma aqaan waxa kayga ka dhihgay sharci-darro oo aan ka ahayn damac iyo xaasidnimo.

Safarkayga raadsashada cadaaladdu wuxu isku maray xafiisyada heer degmo mid gobal iyo midka maxkamadeed intaba. Mudane Madaxweyne, waxaa jiray xilliyo aan quus iyo hungo ba’an kala soo noqon jiray xafiiska gobalka iyo midka degmadayda Dharkenley kuwaas oo albaabada iga xirtay – beddelkeedana soo dhawayn diiran u sameeyey kuwii xaqayga iga hortaagnaa. Waxaase Alle mahadiis ah in maanta oo aan afar sano kaddib mar kale idin soo hor istaagay aan rejo weyn ka qabo helidda cadaalad shuruud la’aan ah. Mahadaas eebbe kasokow, mudane Madxaweyne waxaa iska leh Raggii aad u wakiilatay cadaladda dalka ee fadhiya maxkamadda gobalka iyo maxkamadda racfaanka. Mudane Madaxweyne, raggaas waxaa ku jira rag aan damiirkooda iyo diinkoodaba siisaneynin adduun lacageed. Run ahaantii, dhulkayga oo maxkamadda gobalka Banaadir ii xukuntay inaan dego kuna nafciyo ayaa misana waxaan mar kale u hoggaansamay amarka maxkamadda racfaanka si aan ugu quusdhebo dhinacyada sida sharci darrada ah iiga hortaagan dhulkayga kaddib markii ay sheegeen inaysan ku qancin natiijada garsoorka maxkamadda. Guushaadase baqo ayaa lagu daraa ayay Soomaalidu tiraahdaa. Waxaan tuhmaya 100% in ragga xaqayga iga hortaagan ay qiimo walba u bixinayaan inay iibsadaan sharciga iyo cadaaladda si aanan mar kale kaga guuleysan. Sidaas darteed, ayaan Madaxweyne adiga iyo shacbiga Soomaaliyeed iyo hogaanka maxkamadda racfaanka idin marqaati gishanayaa si aad iila dhowrtaan natiijada. Waxaase aan mudane Madxaweyne kaa codsanayaa inaad qaabilaad ii sameysid si aan adiga iyo shacbiga Soomaliyeed kuula wadaago sharciyadda milkiyadeed ee dhulkayga iyo dukementiyada kale oo xoojin kara.

Mudane Madxaweyne, labo Cali isweydiin mayso in miraha fiican ee laga helo hirgelinta cadaaladda ay horseedo karaamo iyo sharaf lagu wada noolaado. Halka ciribxumida laga dhaxlo dulmiga iyo cadaalad-darida ay tahay burbur iyo sokeeye is naca. Waana wixii aan soo aragnay 30-kii sannaood ee lasoo dhaafay. Mudane Madaxweyne, maanta oo aad mar kale si geesinimo ugu jiheysan tahay inaad taariikh cusub sameysid, waa muhiim inaad dhibanayaasha cadaalad-doonka Soomaliyeed codadkooda si dhow u dhageysatid. Waxaan Eebbe kaaga rajaynayaa mas’uuliyadaha tira-beelay ee ku horyaalla aad guulo loo aayo kasoo hoydo.

Qore: Zaki Hiraale.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments