HomeWararkaQarax lala eegtay Sarkaal katirsan Ciidanka XD iyo Walaalkiis oo ka dhacay...

Qarax lala eegtay Sarkaal katirsan Ciidanka XD iyo Walaalkiis oo ka dhacay Deyniile.

MUQDISHO (HN) – Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu beegsaday gaari uu watay sarkaal katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Weerarka oo dhacay gelinkii dambe ee maanta, waxaa ku dhaawacmay Mukhtaar Maxamed Cali oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo walaalkiis Ibraahim Maxamed Cali oo xilligaas gaariga la saarnaa.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin nooca qaraxa loo adeegsaday gaariga sargaalkan balse warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in al-Shabaab ay qaraxan la beegsadeen gaariga Cabdi-bilaha ah oo uu watay sargaal Mukhtaar. Laamaha ammaanka Muqdisho oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa gebi ahaanba la wareegay goobtan iyaga oo ka sameynaya baaritaanno.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Muqdisho ka dhacayeen weerarro iyo falal amni-darro oo lagu beegsanayo saraakiil ciidan, mas’uuliyiin iyo dad xiriir la leh hey’adaha dowladda. Laamaha ammaanka Muqdisho ayaa badalkeeda xooga saaraya dadaallo ay uga hortagayaan falalkan amni-darro ee ka dhacaya caasimadda dalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments