HomeDunida MuslimkaWuxuu kufsaday gabar Mushrikad ah isaga oo moodaya Muslimad.

Wuxuu kufsaday gabar Mushrikad ah isaga oo moodaya Muslimad.

MUQDISHO (HN) – 32 jir kasoo jeeda Boqortooyada Ingiriiska ayaa qirtay inuu ku kacay fal kufsi ah – naceyb uu Islaamka u qabo awgeed – una geystay gabar aan Muslimad ahayn balse muuq ahaan ula ekaatay inay tahay Muslimad tahay. John Ashby, wuxuu si cad hadda u qirtay inuu falkaas ku kacay una sameeyey si ula kac ah.

Sida ay ku warrantay xeer-ilaalinta, falkan kufsiga ah ayaa ku bilowday markii John uu daba-galay haweeney kasoo degaysa gaari bas ah kadibna uu si xoog leh ugu jiitay dhinaca luuq-yare u dhawaa kahor inta uusan ugu dambeyntii ku guuleysan inuu la galo Musqul iyo qol kasii dambeeya oo fadhi ah oo meesha ka dhawaa.

Wuxuu adeegsanayay xoog badan iyo mararka qaar bud yar oo uu madaxa kaga dhufanayay si ay ugu hoggaansanto ilaa uu ka geystay musqusha. Wuxuu sidoo kale tuurayay ereyo naceyb diimeed ah oo ka dhan ahaa Islaamka. In kasta oo xattaa markii dambe loo sheegay inaysan Muslim ahayn oo ay heysato diinta Siikh, wuxuu misana sii waday aflagaadada iyo caayda uu kula kacayay iyada iyo Islaamka.

Wuxuu ku shubay biyo kulul isaga oo ku handaday inuu dilayo haddii aysan amarkiisa yeelin. Waxaa intaas dheer inuu ka dhacay dahab ay sidatay iyo walxo kale oo qaali ahaa kahor inta uusan goobta isaga baxsan. Labo maalin kaddib, booliska ayaa gacanta kusoo dhigay.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments