‘Dhalinyarada dulman’ – Oraah marin habaabineysa Da’yarteenna.
Posted by: Himilo
in Faallooyinka
November 19, 2018
1,374 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaa innagu badan oraahda ah ‘dhallinyaradu wey ku dulmantahay siyaasada maadaama aan xil loo dhiibin ama koonta xaddidan oo xoogan aan laga dhex siin baarlamaanka wadanka’, sidoo kale waxaa aad u badan dhallinyarada ay saameyn ku yeelatay kalimaddaas oo daba hingaadsha dhawaaqyadaas dulmiga loo ekeysiiyay.
Maddiidani in dhallinta ey dulmantahay eyna kala simantahay muwaadiniinta kale ee dalka, balse tan aan rabo in aan ku faaqido maqaalkeyga waxa weeye dulmiga iyo mara habaabinta ka dhalankarta hal-ku-dhegyada laga dhaadhicinayo dhallinyarada ee ah in siyaasadda lagu dhex dulmiyay, qofka dhalinyarada ah mar walba wuxuu ka mid yahay muwaadiniinta wadanka, tan la rabo in uu ku baraarugsanaado ayaa ahmuhiimada uu ku dhexleeyaha bulshada, taas oo ka dhalaneysa aragtida ah in uu isaga yahay berri damaanadda wadanka ee sii dar-dargalin laheyd difaac, dhismaha , iyo madaxbanaanida wadanka.
Da’da dhallinyaronimada waa marxalada qofka uu ugu xooga badanyahay firfircoonidiisa iyo laqabsashadiisa duruufaha is-badbadalka badan ee qof ku ag dhici karta , sidaas darteed fikir dheer kama dambeeyo hadalada dulmiga dhallinyarada ee dhinaca siyaasada.
Marka koobaad – waa in oraahyadaan ey ku jiheynaayaan Barbaarta dhinaca ah in wadanka qofka dhallinyarada ah u wax ugu qaban karo oo keliya markii siyaasadda uu faraha la galo, taasna ma ahan fikir iyo waddo saxan, qof walbo oo muwaadin ah booskiisa isagoo jooga ayuu wadankiisa wax u qabankaraa, qasab ma ahan in qofka xukuumadda iyo dowladadda uu ku biro.
Macallin-nimada, waalid-nimada, xamaali-nimada, beeraley-nimadaada iyo shaqo walbo oo aad ku kaalmeyneysid naftaada iyo caruurtaada adigoo heysid ayaad wax u qaban kartaa dalka, ma ahan marka in dhallinta aan u aqrinno cashirada dulmiga siyaasadda.
Marka labaad – Barbaartu wexey ka mid yihiin bulshada, guud ahaan bulshada wadankeenna dhibka heysto ayaa iyagana heysto oo shaqo la’aanta, faqrig, iyo jahligu ugu weynyihiin, ma ahan marka in dulmiga dhallinyarada lagu soo koobo xubinnimada baarlamaanka ama xukuumadda, iyadoo qofku xurriyad, shaqo iyo amni uusan heysan, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah asaasiyaadka xuquuqda aadamaha.
Tan seddexaad oo ugu danbeysa – Waa da’yarta in lagu dhiirogiliyo siyaasadda, xafiisyada dowladda iyo barlamaanka balse iyaduna ma aha fikir iyo waddo is-tiraatiiji ah, awoodooda jirka iyo awoodooda firfircoonida dhinacyada kale waxey ku fiicantahay in looga faa’ideysto difaacayaasha dalka manta iyo berry, Siiba nuucyada kala duwan ee ciidamada sida sirdoonka, Dab damiska ,Milatariga, Ciidanka xuduudka, Kuwa cirka iyo, kuwa bada iyo trafikada, tiiyoo lagu daray kuwa ku shaqeeya qalabka danabeysan, iyo qeybaha kale ee wadanka looga baahanyahay awood dhalinyaro .
Waddanka oo aad waxtartaa kuma xerna boosas xaddidan oo aad dowladda ka heshid ee waa in aan dhex-keennaa dalkeenna maslaxddiisa iyo jeceelkiisa howl walba oo aan qabaneyno iyo boos walba oo aan bulshada hada uga dhex jirno .
Qore: Abdinasir Shide Ali
Related
2018-11-19
You must log in to post a comment.