MUQDISHO (HN) — Waayihii adkaa oo ay hooyaday noloshayda kasoo martay marwalba oo aan xusuusto, waxaa sidoo kale ii sawirma sawir qurux badan oo ay nolosha aabbahay iiga sheegi jirtay.
Kahor intaanu af-gembiga dhicin, aabbahay wuxuu ahaa da’yar goor hore oo noloshiisa kamid ah ku guuleystay inuusan kaliya maareyn nolosha qoyskiisa iyo tan waalidkiisa, balse sidoo kale ku guuleystay inuu raasamaal fiican meel usii dhigo mustaqbalka ubadkiisa.
Waxaan heysanay nolol qurux badan. Waxaan lahayn adduun muuqda; aw-duceeya iyo awoowayaalna way nala joogeen. Nolosheennu waxay ahayd mid Alle looga mahdiyo. Aabahay wuxuu ahaa shaqaale dowladeed oo katirsanaa waaxda dhul-bixinta; hooyadayna waxay kahor inta aysan is guursan ahayd qof ganacsi ku nool ah.
Markii ay isguursadeen waxay ku hartay reerka. Aabahay ayaa ahaa qofka kaliya oo masruufka keena. Hooyadayna waxay u xilsaarneyd soo dhaweynta iyo agaasinka qoyska; qaraabo iyo qurbe intaba.
Waxay isku dhaleen laba da’ – wiil iyo gabar. Kahor intaanu dhicin af-gembiga, sannad kahor, ayaan dhashay. Waxaana ahaa qofka ugu yar reerka.
Aabbahay kaliya xooggiisu kuma tiirsaneyn mushaharka shaqaalaha dowladda. Wuxuu goor hore oo dhalinyaranimadiisa ah yiqiin sida meelo kala duwan maal-geshi loogu sameysto. Sidaas darteed, ilo kala duwan ayaa bil walba uga soo xeroon jiray dhaqaale.
Qof maskax ahaan furfuran aadna u jecel shaqadii uu ka hayay dhul-bixinta ee joomitirka iyo dhismaha guryaha, wuxuu kasoo hooyay guulo la taaban karo. Wax-soo-saarkiisa muuqda iyo da’yaraantiisa oo aan la isla barbardhigi karin awgeed, waxaa loogu yeeri jiray Xasan Dhalin. Waayo qofna ma aaminsaneyn inuu jiro da’da uu sheegto.
Wuxuu ahaa maalqabeen soo koraya iyo nin qoys ‘family man’ oo jecel inuu meel sare gaarsiiyo noloshiisa iyo tan reerkiisa. Wuxuu lahaa gaari kuwo raaxada ah oo waqtigaas uu marmar shaqada ku aadi jiray. Wedkaan ku simin mooyee, wuxuu ahaa han-sarreeye aan meel hoose ka eegin dhuuniga nolosha.
Hooyaday waxay xusuustaa laba sanno kahor geeridiisa, oo ku began 1992-kii, in seygeeda – aabbahay – uu lahaa aragti iyo riyo qurux badan. Wuxuu sugi kari la’aa koriimadeenna iyo goorta aynu gaari doonno wax-barashada. Waayo hadiyo jeer, wuxuu oran jiray baabuurkaan ilmahayga ayaan iskuulka ku geynayaa mustaqbalka markay koraan iyo wixii la halmaala.
Kasokow yididiiladiidaas, waxaa kale oo uu cunug walba oo afartii carruur kamid ah ku qoray boosas ay gaar u leeyihiin durba markii loo dhalay iyo weliba xaasaskiisa.
Hanti maguurto u badan ayuu lahaa aabbahay kuwaas oo uu dhididkiisa ku kasbaday. Guushiisa waxaa loo celin karaa garab-istaagii uu ka helay aabbihiis, adeerkiis iyo walaalkiis ku xigay kuwaas oo aan kaliya ka caawin howshiisa, balse maaaliyad ahaanna uga filnaaday.
Wuxuu aaminsanaa sida kaliya oo hantida lagu ilaalin karo inay tahay qaab maguurto ah. Wuxuu inta iibiyo xoolo nool kaddibna lacagta uu ka helo ku maal-gelin jiray boosas si mustaqbalka loogu nacfiyo.
In kasta oo labadayda waalid ay geerida ku kala danbeeyeen muddo 17 sannadood ah, haddana hooyaday uma joogsan in wixii tagay ay dabar ku xiraan. Waxaana ay go’aansatay inay dhabarka u xirato nolosheenna ilaa wedku ugu yimid si kedis ah sannadkii 2009-ka.
Noloshii agoontooyada iyo saboolnimada lahayd oo aan gadaashiis ku nooleyn ma aysan go’aamin nuuca mustaqbalkii ay hooyaday nala dooneysay inaynu tiigsano. Maanta waxaynu nahay jaamiciyiin iyo xirfadlayaal goor hore isaga filnaaday inay maareeyaan noloshooda.
Balse riyadii aabbahay ila jeclaa mar hadduu iilka la galay, waxaan ku taamayaa inaan jiilka soo aadan inta karaankayga ah u diyaariyo mustaqbal loo damaanad qaaday inay ku hirtaan beritto.
Waana mas’uuliyad innaga wada dhaxeeya jiilkeenna maanta ku hana-qaaday burburkii dalka.
Xigasho — Dhiganaha MSBARRE: EED IYO AAYATIIN.
Qore: Zaki Xasan Maxamed – Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.