crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Jaceylkaygii hore ayaa i afduubtay oo shaabaddan ‘magaciisa’ ah igu dhigtay” – Tayane | HimiloNetwork

“Jaceylkaygii hore ayaa i afduubtay oo shaabaddan ‘magaciisa’ ah igu dhigtay” – Tayane

MUQDISHO (HN) — Gabadha aad u jeedaan waxaa afduubay kadibna shaabadda dhabankeeda ku qoran ku sameeyey nin ay isjeclaan jireen balse ay kala tageen. Falkanina wuxuu ugu sameeyey aargudasho ah sababtii ay xiriirka u nacday.

Tayane Caldas, waa 18 jir ku nool dalka Brazil – iyada oo u socta iskuulkeeda waxaa jidka ka helay saaxiibkeedii hore Gabriel Coelho, kaas oo si qasab ah gaarigiisa ugu ritay. Kadibna wuxuu magaciisa ugu qoray dhabankeeda si ay u dhadhamiso natiijada sababtii ay u nacday.

Yaabse wuxuu noqday markii uu sheegtay in Tayane ay raali uga ahayd falkiisa markii uu ku sameynayay. Tayane waxay iyaduna sheegtay inay nafteeda u baqaysay taana ay ku qaaday inay wax walba haa iska tiraahdo si uusan waxyeelo qaraar usii gaarsiin.

Markii si kastaba, warkeedu ku baahay baraha bulshada, gurmad ayaa uga yimid dadka ku shaqeysta shaabadda waxayna ka caawiyeen inay ka tiraan wejigeeda qoraallada ku dhigan. Mana ahan wejiga oo kaliya. Wuxuu sidoo kale uga qoray meelo kale oo jirkeeda kamid ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!