crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka ku xaragooda dahab gaaraya 15 kilogaram +Sawiro. | HimiloNetwork

Ninka ku xaragooda dahab gaaraya 15 kilogaram +Sawiro.

MUQDISHO (HN) — Maalin walba dahab culeyskiisu gaarayo shan iyo toban kiilo isaga oo xaragoonaya ayuu dhex maraa magaalada Ho Chi Minh City. Waana ganacsade leh xarun cunnooyin fudud iibisa.

Đỗ Ngọc Thuận, oo 34 jir wuxuu inta uu xusuusan yahayba jeclaa ku xaragoodka dahabka. Markii uu gaaray awooddii uu ku iibsan lahaana kama labalabeynin. Waxaase cajiib leh inuu durba bilaabay inuu muujiyo heerka lacagtiisa iyo dabcan nuuca xaragadii uu jeclaa inuu lasoo muuqdo.

Caannimada ayaa u sahashay inuu nabad galyo ku maro meelaha qaar ee laga yaqaan. Laakiin wuxuu u baahdaa ilaalo gaar ah marka uu meel ka baxsan geyigiisa u tamashle tagayo. Taniyo sannadkii 2008 ayuuna soo waday dhaqankiisa ah xirashada dahabka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!