crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dadka sugayay deeq raashiin ah oo la siiyay Macmacaan + Sawiro. | HimiloNetwork

Dadka sugayay deeq raashiin ah oo la siiyay Macmacaan + Sawiro.

MUQDISHO (HN) –– Boqollaal qoysas ah iyo carruurtooda oo ku nool gobalka Tula ee dalka Ruushka ayaa gargaar ahaan u helay cunnooyin buskud-la-moodka ah ee lagu faakiheysto xilli ay filanayeen inay heli doonaan cunno ay karsadaan oo dalag iyo iidaan isugu jira.

Bishii May saxaafadda Ruushka ayaa baahisay in dowladdu ay deeq cunno ah gaarsiisay dadka ku nool gobalka Tula oo kaliya ah buskud. Waxaana xigay dhambaalo bogaadin iyo mahadcelin ah o gaaraya 700 oo farriimood kuwaas oo sida la sheegay ka yimid dadkii deeqda helay.

Balse muuqaallo dhawaan laga soo qaaday ayaa muujinaya sheeko ka duwan middaas. Waxay ahayd inay farxad ku muujiyaan deeqda la siiyay, laakiin sawirrada laga soo qaaday ayaa muujinaya dadkan oo si aan qosol iyo reynreyn lahayn u eegaya sawirada – taas oo laga fahmay inaysanba fileyn waxa loogu deeqay.

Waxayna ugu yaraan muujisay ceeb iyo fadeexo. Halkan haddaba ka daawo sawiradda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!