crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> March | 2022 | HimiloNetwork

Monthly Archives: March 2022

Bandhigga Buugaagta iyo Doorka Bulshada Maqalka la’ ee sannadka 2022.

MUQDISHO (HN) — Bandhigga Buugta Banaadir oo maalintii labaad galaya – ahna gunaanadka – wuxuu sannadkan ahaa mid ay ku dhan tihiin dhammaanba bahda qalinleyda oo ay kamid yihiin kuwa baahiyaha gaarka ah qaba siiba dhegoolayaasha. Qof kasta oo ku qornaa khudbad-jeedintana waxaa garab taagneyd Ubax Noor Cumar oo ciyaaraysay kaalinta isku xirka. Waxayna faham buuxa siinaysay martida kuwooda aan ...

Read More »

Minneapolis oo hadda codbaahiyaha u oggolaanaysa Aadaanka Salaadaha.

MUQDISHO (HN) — Mahad celin ayaa ka timid qaraarkii la ansixiyay kaas oo fasaxayay in aadaanka salaadaha shanta ah ee maalin walba laga sii daayo codbaahiyaha gudaha magaalada Minneapolis oo kamid ah kuwa ugu waaweyn dalka Maraykanka, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Anadolu. Jamal Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Degaanka Minneapolis ayaa ku dhawaaqay go’aanka cusub oo ay ...

Read More »

La kulan – Ninka ugu dheer AFRIKA.

MUQDISHO (HN) — Qumaati ugama soo bixi karo albaabada; mafuuli karo gaari walba; mana jirto sariir la’eg. Qof kasta oo la istaagana waa sida carruur la sawiran. Codkiisu waa mid guuxaya. Kabihiisana waa kuwa ugu weyn xagga cabirka. Dharkiisa uu xiran yahayna waxaa loogu sameeyaa dalka Sweden. Wuxuu sheegay in saaxiibkiisa oo dharka sameeya uu ka codsado inuu usoo hagaajiyo ...

Read More »

Bandhigga BUUGTA Banaadir oo maanta la daahfuray!

MUQDISHO (HN) — Bandhigga Buugta Banaadir oo ah dabshid u gaar ah qalileyda ku nool magaalada-madaxda Somaaliya ayaa maanta lagu daahfuray caasimadda Muqdisho. 18 qorayaal da’yar ah oo dhigay dhiganayaal cusub ayaa qeyb ka ah bandhigga. Waana mid kamid ah ujeedo-badanta loo helay bandhigga BB, marka loo eego Najma Maxamud Qaranbila, agaasimaheeda. “Hadiyo jeer wuxuu dadaalkayagu ahaa soo saaridda jiilal ...

Read More »

Bangi Cunto oo afurinaya 6000 oo Qoys bisha Soonqaad.

MUQDISHO (HN) — Xilli ay Muslimiintu u diyaargaroobayaan bilashada bisha Soonqaad, astaamihii lagu yiqiin is-jaceylka iyo walaaltinimada ka dhaxeysa Muslimiinta iyo kaalintooda bani-aadnimo ee dadyowga la nool waa xilli sidoo kale aad loo dareemo. Bangi cuntooyinka lagu keydiyo oo ku yaalla Philadelphia ayaa ku tala-galaya in bisha Ramadaan uu cunnooyin bisil gaarsiiyo 6,000 oo qoysas danyar ah. Waana sannadkii labaad ...

Read More »

Sare u kaca Sicirka Shidaalka iyo Saameynta Qiimaha lagu raaco Gaadiidka Dadweynaha.

MUQDISHO (HN) — Kusoo jeedka jidka dheer ee Jaziira, Jamaal oo kaalin shidaal ku leh saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay wuxuu saaka shaqadiisa u wataa sidii caadada ahayd. Laakiin hal mid aan caadi ahayn. Waa sida farxadda leh ee uu hoos ugu dhacayo qiimaha shidaalka oo si aanu weligiis arag hal mar cirka iskugu shareeray. “Waa middii ugu sarreysay saddexdii ...

Read More »

Jamaaco Masjid oo u banbaxaya kaalmeynta kuwa liita!

MUQDISHO (HN) — Waxay ahayd Ramadaankii hore markii koox samafalayaal ah oo Jamaacada Masjidka Maindee, South Wales kamid ah ay iskaga yimaadeen cunno u qeybinta dadka liita xilliga go’doonka. Hadda oo ah Ramadaankii kale oo soo dhawaadayna, waxay mar kale caawinayaan ku dhawaad 30 qoysas danyar ah oo shan kamid ah aanay ahayn Muslimiin. “Waxaan u shaqeynaynaa inaan isku gargaarno; ...

Read More »

Labada MASJIDKA – Makka iyo Madina – oo soo celinaya Afurkii Wadajirka ahaa.

MUQDISHO (HN) — Masjidka weyn ee Xaramka ayaa laba sano kaddib dib u anba-qaadaya barnaamijkii wada-afurka bisha Ramadaan oo faafitaanka xanuunka Covid-19 awgiis loo baajiyay. Dowladda Sucuudiga ayaa fasax siisay Samafalayaasha u xilsaaran diyaarinta barnaamijka wada-jir u wada afurka ah ee bisha Ramadaan. Waxaana ay ku jiraan tallaabooyinkii ugu dambeeyey oo ay ugu diyaargaroobeen soo dhaweynta bisha fadliga iyo kheyrka ...

Read More »

Sheekada 44-jirka la nool Masaska.

MUQDISHO (HN) — Ninka aad ujeedaan uma joogo halkan inuu muuqaal kooban ku sameeyo. Nolosha la-dhaqanka masaska waa hab nololeedkiisa. Waana mid uu xaggeeda usoo dhamaaday. La-cayaaridda masasku waa u mihnad iyo hibo uu aaminsan yahay inuu dheer yahay inta kale. Waxaana lagu magacaabaa ninka maska. Magaciisu waa Cali Maxamed Maango. Waa muwaadin Muslim ah oo ku nool dalka Tansaaniya. ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!