crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> November | 2019 | HimiloNetwork

Monthly Archives: November 2019

La kulan: 9 jirkii ugu horreeyey ee Shahaado Jaamacadeed qaadanaya!

MUQDISHO (HN) — Marka uu ku dhex jiro ilmaha qeyrkiisa ah, Laurent Simon waa 9 jir iska caadi ah. Wuxuu sida carruurta kale ciyaartaa fiidiyow game-ka, laakiin marka ay timaadowax-barashada wuxuu kuwa ka da’ weyn ku ridaa xishood – fahamkiisa xeesha dheer awgiis. Hadda wuxuu ka qalin-jebinayaa Jaamacadda isaga oo 10 jir gaarin. Bisha December ee soo aadan ayuu wiilkan ...

Read More »

Sonny William: “Tumashada iyo cabista Qamriga kama helin liibaan.”

MUQDISHO (HN) — 10 sanno kaddib markii uu kasoo baxayu mugdiga, Sonny Bill William, oo 34 jir Muslim New Zealander ah, wuxuu weli ogsoon yahay siday noloshiisu ahayd Islaamka kahor. “Waxaan ku fiicnaa tumashada, cabista qamriga iyo dheelalowga habeenkii,” ayuu yiri. “Laakiin kama aanan helin wax aan ka aheyn walwal iyo murugo.” Laacibkan dhashay sannadkii 1985-kii, waa xiddig kamid ah ...

Read More »

Maktabaduhu kaalin ceynkee ah ayay ka qaataan Kobaca iyo Aqoonta Qofka?

MUQDISHO (HN) — Aqris waxaa lagu qeexaa howl maskaxda qofka ay qabato oo ay u fasirto erayada ama calaamadaha oo aqriyuhu indhihiisa ku arkayo, isaga oo isku xiraya khibradiisa iyo waxa uu arkayo kadibna u abuurta macno. Aqoontu waa midda muujisa qofka iyo heerkiisa nolosha waana cabirka iyo qiyaasta qofka, dadka qaar ayaa ku miisaama qofka hadalkiisa – iyaga oo ...

Read More »

Sababta Salax Banooni ay labadiisa goolal uga hor baxayaan Geedaha!

MUQDISHO (HN) — Salax cusub oo laga dhisay caasimadda Colombia ee Bogota ayaa soo jiitay indhaha dad badan maadaama labadiisa gool ee shabaqa ay kasoo horreeyaan labo geed. Marka loo eego warbaahinta Colombia, tani waxay timid markii dood gaartay heer maxkamad lagu go’aamiyay inaan la jarin, balse taas beddelkeeda lagu dhiso salaxa. Dhowr isku day oo looga gollahaa in geedahan ...

Read More »

La kulan – Dhaqtarka laba dal isku mara si uu Danyarta u dabiibo.

LAGOS (HN) — Dhaqaatiirta fuliya qalliimada aalaaba waa kuwa ku xeel-dheer shaqadooda. Laakiin ma ahan kuwo laba dal iyo ka badan qalliimada ka fuliya. Dr. Olawale Suleiman, oo 49 jir ah, waa dhaqtar fuliya qalliimada siiba kuwa lafaha iyo laf dhabarta ee neerfaha la xiriira kaas oo ka howlgala gobalka New Orleans, dalka Maraykanka. Wuxuu ku nool yahay Louisiana. Wuxuuna ...

Read More »

Gobalka Baltimore oo aqoonsanaya fasaxyada Ciidaha Muslimiinta.

MUQDISHO (HN) — Siinta ardayda Muslimiinta ah fursadda ay ugu dabaal-degi karaan fasaxyada Ciidaha, Guddiga Wax-barashada Gobalka Baltimore, dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in hadda kaddib ubadka Muslimiinta ah ee dhigta dugsiyada dowladda la siin doono fasax ciideed. “Kaddib juhdi dheer oo odayaasha Muslimiinta Baltimore ku bixiyeen inay helaan xaq lamid ah kuwa carruurta kale, tani waa natiijo muddo aan ...

Read More »

Madax – si ay Shaqaalahooda ugu mahad-celiyaan – Lugaha u dhaqa!

BEIJING (HN) — Laba mas’uul oo madax ka ah shirkad iibisa walxaha dumarku isku qurxiyaan ayaa sameynaya ficil soo jiidasha leh – kaddib markii la arkay iyaga oo shaqaalaha shirkadahooda – inta biyo nadiif ah lugaha u geliyay – u meyraya; si ay ugu muujiyaan mahad celin iyo qaddarin. Sida caadada ah madaxda shirkadaha Shiinaha waxay caan ku yihiin qalafsanaan ...

Read More »

Nin u dhintay cunista 42 Xabbo oo Ukun ah!

WEST BENGAL (HN) — 42 jir ku nool gobalka Uttar Pradesh, dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inuu u geeriyooday kaddib markii shardi lagula galay inuu cuno 50 xabbo oo ukun karsan ah. Subhash Yadav iyo saaxiibkiis waxay isku dhigteen xujo taas oo ah in midkii cuna 50 xabbo oo ukun karsan ah uu helayo lacag dhan 2,000 rupees ($28). ...

Read More »

11 jir – si ay u badbaadiso saaxiibteed – Yaxaas isha kala baxday!

HARARE (HN) — Rebecca Munkombwe, oo 11 jir ah ayaa lagu tilmaamay geesiyad kaddib markii 9 jir saaxiibteed ah ay kasoo badbaadiyay gowsaha yaxaas dafay iyada oo webiga jinkiisa taagan. Waxa kaliya oo kusoo dhacay inay sameyso ayaa noqday inay ku boodo dusha yaxaaska – kaddibna ay isha farteeda uga soo saarto ilaa uu ka daayay saaxiibteeda. Marka loo eego ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!