HomeLa-yaabkaNin u dhintay cunista 42 Xabbo oo Ukun ah!

Nin u dhintay cunista 42 Xabbo oo Ukun ah!

WEST BENGAL (HN) — 42 jir ku nool gobalka Uttar Pradesh, dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inuu u geeriyooday kaddib markii shardi lagula galay inuu cuno 50 xabbo oo ukun karsan ah.

Subhash Yadav iyo saaxiibkiis waxay isku dhigteen xujo taas oo ah in midkii cuna 50 xabbo oo ukun karsan ah uu helayo lacag dhan 2,000 rupees ($28). Way aqbaleen shardiga.

Yadav ayaa markaas kaddib bilaabay inuu hal hal u cuno ukunta, laakiin wax walba waxay is beddeleen markii uu marayo tirada 42aad kolkaas oo uu – inta uu wareeray – kaddibna uu dhulka ku dhacay.

Markii loola cararay isbitaalka, dhaqaatiirta ayaa iclaamiyay geeridiisa.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments