crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 11 jir – si ay u badbaadiso saaxiibteed – Yaxaas isha kala baxday! | HimiloNetwork

11 jir – si ay u badbaadiso saaxiibteed – Yaxaas isha kala baxday!

HARARE (HN) — Rebecca Munkombwe, oo 11 jir ah ayaa lagu tilmaamay geesiyad kaddib markii 9 jir saaxiibteed ah ay kasoo badbaadiyay gowsaha yaxaas dafay iyada oo webiga jinkiisa taagan.

Waxa kaliya oo kusoo dhacay inay sameyso ayaa noqday inay ku boodo dusha yaxaaska – kaddibna ay isha farteeda uga soo saarto ilaa uu ka daayay saaxiibteeda.

Marka loo eego warbaahinta Zimbabwe, Rebbeca waxaa iyada iyo saaxiibteeda ay kasoo baxeen dabaasha webiga markii yaxaasku uu dafay saaxiibteed uu ag taagan jinka.

11 jirtan waxaa naxdin ku beeray aragtida saaxiibteed oo webiga uu kusii jiidanayo yaxaas weyn.

Halka carruurtii oo dhan ay isaga carareen goobta, Rebbeca waxay ku booday dusha yaxaaska – iyada oo indhihiisa mid kamid ah farteeda uga soo bixisay.

Markii dhaawaca ishu ay xanuunjisay yaxaaska, wuu sii daayay inantii uu dafay.

Iyada sooma gaarin dhaawac aad u buuran. Hadda labaduba waxay ku jiraan jawi nabad ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!