crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka Daryeela in ka badan 750 Eeyo ah. | HimiloNetwork

La kulan – Ninka Daryeela in ka badan 750 Eeyo ah.

MUQDISHO (HN) — Markii Sasha Pesic uu sannadkii 2008 samata-bixiyay ey, maanu fileyn inuu sidoo kale samata-bixin doono 1200 – halkaas oo 750 kamid ah ay hadda ku jiraan daryeelkiisa.

Warkiisu wuxuu dunida ku baahay sannadkii 2015-ka markii la arkay isaga oo ey biyo ku dhacay kasoo badbaadinaya taas oo soo jiidatay indhaha 63 milyan oo qof oo facebook kala socday.

Qofna, xittaa waddankiisa Serbia ku nool, war kama heyn arrintiisa iyo inay gurigiisa joogaan boqollaal ey oo daryeelkiisa ku nool. Ku dhawaad 1200 ayuu kasoo helay jidadka, taniyo markii uu howlgalkiisa anba-qaaday.

Adduun dhan 110,000$ ayaa uga baxda bil kasta quuudinta 750-ka ey. Taas waa marka laga reebo adduunka kale ee ku baxa xanaannada iyo badqabka caafimaadkooda.

Tiiyoo ay tani jirto, haddana Pesic marnaba iskama indha-tiro xaaladda ey baadi ah haddii uu arko.

“Dadku aalaaba waxay eeyaha ay awoodin inay xanaaneeyaan iska keenaan xarunta,” ayuu yiri. “Waana dhif inaad aragto qof doonaya inuu hal mid halkan kala tago si uu u koriyo.”

“Waxaan in badan ku dadaalay inaan bulshada ka wacyi-geliyo laakiin taasi waxba kama beddelin aragti liidata ee laga heysto daryeelka eeyaha.”

Goobta uu ku xanaaneeyo eeyaha wuxuu awooday inuu hantidiisa ku bilaabo. Laakiin hadda wuxuu helayaa deeqda malaayiin kale oo dunida ku nool kuwaas oo garab istaag u muujinaya si uu howlgalkiisa u joogteeyo.

Marka mid la keenaba wuxuu helaa daryeel isugu jira jaceyl iyo xanaano. In yar kaddibna waxaa la arkaa eygii oo kasoo kabanaya diiftii kasoo gaartay dayaca iyo darxumadii la biday.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!