crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Saraakiisha Shiinaha oo si qasab ah ugu galmoonaya Haweenka Muslimiinta Wiigar. | HimiloNetwork

Saraakiisha Shiinaha oo si qasab ah ugu galmoonaya Haweenka Muslimiinta Wiigar.

BEIJING (HN) — Haweenka Muslimiinta Wiigar ee Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa in gogol-dhaaf qasab ah lagula dhex sameeyo gudaha gobalka Shinjiang – xilli raggii qabay ay dowladdu ku gurtay xabsiyada.

Taniyo 2017-ka, qoysaska Muslimiinta waxaa la amray inay xubnaha dowladda ka socda u oggolaadaan inay guryahooda baaritaan ku sameyn karaan si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah siyaasadda af-duubka leh oo Shiinuhu ku soo rogay tira-yarta Muslimiinta ah ee dalkiisa ku nool.

Saraakiisha ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale gogol dhaaf qasab ah kula kacaan haweenka Muslimaadka ah ee gobalka ku sugan.

Wax caadi ah ayuu Shiinuhu ka dhigtay inuu ku tacaddiyo xuquuqda tira-yarta Muslimiinta Shiinaha kuwaas oo dhibaatada uu ku hayo ay dunidu iska indha-tirayso.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!