DELHI (HN) — 62 jir dalka Hindiya u dhashay ayaa Xajkii ina dhaafay wuxuu u ahaa midkiisii 25aad oo uu soo xejiyo taniyo sannadkii 1994-kii.
Isaga oo la hadlaya Khaleej Times, Taqiullah Khan wuxuu yiri; “Tani waa nimco xagga Ilaahay igaga timid oo aan jecleyn inay sahal igu dhaafto.”
Dad badan waxay nasiib u arkaan mar qura inay siyaartaan Xajka, laakiin aniga Ilaahay wuxuu ii kasay inaan sannad kasta soo booqdo, ayuu intaas kusii daray.
Taniyo sannadkii 1994 sannad kahor markii uu xejisiiyay labadiisa waalid, Khan wuxuu sannad walba soo aada Xajka.
Waxyar kaddib sannadkii xigay, wuxuu helay shirkad duullimaadka xujeyda – Xajka iyo Cumrada u qaabilsan. Wuxuuna sidaas awgeed sannad kasta kumaankun oo Muslimiinta Hindiya kamid ah usoo galbiyaa Xajka si ay u gutaan.
Marka laga yimaad Xajka, Khan wuxuu cimraystay in ka badan 126 jeer.
Hindiya waa dalka ugu tirada badan Xujeyda sannad kasta kasoo xejisa kaddib Pakistan iyo Induniisiya.
Khan ayaana noqonaya mid nasiib naadir ah ka dhex helaya malaayiin kale oo Muslimiin ah kuwaas oo mar qura ay oo xejiyaan kaddib laga yaabo inaysan mar kale helin fursad labaad.
You must log in to post a comment.