crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid – Cunugii salaadda Subax kusoo dukada – Abaal-gud la siinayo! | HimiloNetwork

Masjid – Cunugii salaadda Subax kusoo dukada – Abaal-gud la siinayo!

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Bangalore ayaa carruurta Muslimiinta ah ee salaadda Jamaacada kula tukada wuxuu guddoonsiinayaa abaal-marin baaskiilo ah.

99 kamid ah carruurtan ayaa helay baaskiilo kaddib markii ay salaadda Subax Jamaacada kula tukadeen Masjidka muddo 40 maalin ku siman.

Mashruuca waxaa iska kaashaday Jamaacada Masjidka markii ay arkeen natiijooyin hordhaca oo tallaabadani ay ka sameeyeen masaajidda kale.

200 oo carruur ah ayaa iska diiwaan-geliyay mashruuca kusoo tuko salaadda Subax masjidka kaas oo muddo 40 maalmood ah soconayay.

Kuwii aan subaxna dhaafin waxaa la guddoonsiiyay abaal-marin ay ku farxeen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo HimiloNetwork sheekadan oo kale lagu daabaco.

Waxaa jira dhowr sheeko oo lamid ah kuwaas oo la xiriira ku dhiirri-gelinta carruurta Muslimiinta tukadashada salaadda oo Shabakaddu daabacday. \

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!