BEIJING (HN) — Laba mas’uul oo madax ka ah shirkad iibisa walxaha dumarku isku qurxiyaan ayaa sameynaya ficil soo jiidasha leh – kaddib markii la arkay iyaga oo shaqaalaha shirkadahooda – inta biyo nadiif ah lugaha u geliyay – u meyraya; si ay ugu muujiyaan mahad celin iyo qaddarin.
Sida caadada ah madaxda shirkadaha Shiinaha waxay caan ku yihiin qalafsanaan iyo ad-adeyg. Laakiin labadan mas’uul ayaa tusaale kale oo cagsigeeda ah waxay u sameynayaan si ay shaqaalaha shirkaddooda uga mahad celiyaan shaqada adag oo ay hayaan.
Muuqaal fiidiyow ah oo ku baahay baraha bulshada ayaa la arkayaa labadan mas’uul oo – inta jilbaha dhigtay – gacmahooda ku meyraya lugaha shaqaalaha shirkadda ugu howlkarnimada badan oo ku jira baaldiyo ay ku jiraan biyo nadiif ah.
In kasta oo dad badan ay tallaabadan ku tilmaameen mid madaxdani ay kaga ganbanayaan bixinta abaal-marinnada maadiga ah sida lacag caddaan ah iyo hadyado kale, haddana qaar kale ayaa ku garab istaagay ficilkooda. Waxayna ku tilmaameen mid sare u dhigaysa mooralka shaqaalaha.
Ma ahan markii ugu horreysay oo sidan oo kale ay sameeyaan qaar kamid ah madaxda shirkadaha Shiinaha si ay u dhiirri-geliyaan shaqaalahooda.
You must log in to post a comment.