crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka riyadu kuu suura-geliso dhisidda Aqal ka sameysan Konteenar. | HimiloNetwork

Marka riyadu kuu suura-geliso dhisidda Aqal ka sameysan Konteenar.

MUQDISHO (HN) — Isa-saarashada 11 konteenar si aad uga dhisato guri dabaq ah ma ahan aalaaba fikrad u dhawaaqaysa si macquul ah. Laakiin Will Breax waxay u tahay riyo uu ugu danbeyntii run u beddelay.

Marka aad sheedda ka jeedaaliso muuqaalka isa-saarka konteenaradan, waxaad u qaadaneysa mid halis leh inay kusoo dunto qofka ag maraya – iskaba daa in lagu dhex noolaan karo.

Laakiin waa marka aad ogaato sida xeesha dheer oo waqti iyo fikrad midaysan loogu bixiyay sidii loogu suura-gelin lahaa in lagu dhex noolaado, marka ay ku galayso yididiilo iyo kalsooni.

Gudaha dhismahan ka kooban 11-ka dabaq ee la is dul-saaray waxa uu sida caadada ahba ka kooban yahay qolal isugu jira jiifaf, fadhi, suuliyaal, barkin gaariga lagu xereysto oo ardaagii loogu sameeyey iyo dhammaan wax walba oo suura-gal ka dhigi kara nolosha gudihiisa ka jirta.

Tiifi laga daawado muuqaallada, maktabad yar oo laga aqristo buugaagta, iyo qaboojiyaal ku xiran gidaarada ayaa qolalka kunteenaradan ka dhigay kuwa la isku haleyn karo in habeen nabadeed iyo hurdo macaan uu ku ledo aas-aase Will.

Laakiin intaas oo dhan kama dhigna inuu ugu danbeyntii ka nafisay mashruuca dhismahan uu soo waday. Wali waxaa qabyo u ah in kale oo marka uu dhammeeyo la yaab awgiis sunniyaha lala taagi doono.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!