crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: 9 jirkii ugu horreeyey ee Shahaado Jaamacadeed qaadanaya! | HimiloNetwork

La kulan: 9 jirkii ugu horreeyey ee Shahaado Jaamacadeed qaadanaya!

MUQDISHO (HN) — Marka uu ku dhex jiro ilmaha qeyrkiisa ah, Laurent Simon waa 9 jir iska caadi ah. Wuxuu sida carruurta kale ciyaartaa fiidiyow game-ka, laakiin marka ay timaadowax-barashada wuxuu kuwa ka da’ weyn ku ridaa xishood – fahamkiisa xeesha dheer awgiis.

Hadda wuxuu ka qalin-jebinayaa Jaamacadda isaga oo 10 jir gaarin.

Bisha December ee soo aadan ayuu wiilkan u dhashay Biljamka wuxuu ka qalin-jebinayaa Jaamacadda Eindhoven ee dalka Holland. Wuxuu marqaatiga ka qaadan doonaa kasmada injineeriyadda korontada. Dadka intooda badan waxay ku qaadataa saddex sano inay kaga qalin-jebiyaan. Laakiin Simon wuxuu galay sannadkii hore, muddo 10 bilood gudaheed ahna wuxuu ku qaadanayaa shahaadada.

Hibadiisa xad-dhaafka leh ee aqriska iyo cilmi-baarista ayaa u sahashay inuu si fudud ku qeybo dhammaan casharadda loogu tala-galay manhajka jaamacadda.

Waalidka Laurenta ayaa sheegay in da’diisa hore ee if usoo baxa ay fahmeen hibadiisa rabbaaniga, balse aysan il dheer kusii eegan.

Markii uu ku jiray dusgiga hoose waxaa la arkay tayada hal-qabadkiisa maskax ahaaneed. Waxaana taasi ay soo jiidatay dareenka barayaasha kuwaas oo dhugmadii loo baahnaa u fidiyay.

Laurent wuxuu sheegay in marka uu kasoo jeesto barashada injineeriyada uu doonayo inuu mar kale iska diiwaan-geliyo kulliyadda caafimaadka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!