crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Dhaqtarka laba dal isku mara si uu Danyarta u dabiibo. | HimiloNetwork

La kulan – Dhaqtarka laba dal isku mara si uu Danyarta u dabiibo.

LAGOS (HN) — Dhaqaatiirta fuliya qalliimada aalaaba waa kuwa ku xeel-dheer shaqadooda. Laakiin ma ahan kuwo laba dal iyo ka badan qalliimada ka fuliya.

Dr. Olawale Suleiman, oo 49 jir ah, waa dhaqtar fuliya qalliimada siiba kuwa lafaha iyo laf dhabarta ee neerfaha la xiriira kaas oo ka howlgala gobalka New Orleans, dalka Maraykanka.

Wuxuu ku nool yahay Louisiana. Wuxuuna waqtigiisa u kala qeybiyaa labadiisa dal ee Maraykanka iyo Nigeria. Bil walba 12 maalmood ayuu qaliimo u badan lacag la’aan wuxuu dalkiisa hooyo ee Nigeria ugu sameeyaa bulshadiisa.

Isaga oo asal ahaan kasoo jeeda qoys sabool ah oo magalaada uu ku dhashay ee Lagos kula nool yahay, Suleiman wuxuu ogsoon yahay xaaladda nololeed iyo dhibaatada caafimad ee soo food saarta danyarta.

“Waxaan kusoo koray nolol xubeer ah; aniga iyo walaalkey waxaan wada jiifan jiray salli dhulka naloo dhigo,” ayuu u sheegay CNN-ka.

Waalidkiisu maaney awoodin inay ka bixiyaan qarashka wax-barashada, laakiin nasiib-wanaag, wuxuu helay deeq wax-barasho oo dibadda ah taas oo u suura-gelisay inuu riyadiisa rumeeyo.

Deeqdaas ay dowladdu siisay laftigeeda ayuu Suleiman sheegay inay tahay sababtii fahamsiisay inay jirto baahi weyn oo uu dabooli karo. Waana markaas kolkii uu bilaabay inuu aqoontiisa caafimaad oo uu dibadda kusoo bartay bulshadiisa ku celiyo.

Isaga iyo afadiisa waxay wadajir u bilaabeen RINZ Global si ay daryeel – intiisa badan – bilaash ah ugu sameeyaan muwaadiniinta Nigerian-ka kuwooda aan awoodin inay iska bixiyaan qarashka.

Wuxuu sheegay inuu fasax lacagtiisa laga goynayo uu ka qaatay xarunta caafimaad ee uu ka howlgalo – si uu waqti ugu helo baahida ka jirta dalkiisa hooyo.

Sidaas awgeed, Suleiman iyo afadiisa waxay ku guuleysteen inay daweyn u sameeyaan in ka badan 500 oo qof; ku dhawaad 5,000 oo kalana ay siiyaan talooyin caafimaad oo wax-ku-ool ah.

Qalliimada uu sameeyey waxay qaarkood rajo iyo nolol usoo celiyeen bukaanno aan helin fursad iyo qarash ay isku daweeyaan.

Qalabka uu ku howl-galo wuxuu kala yimaadaa Maraykanka taas oo in badan u fududeysay shaqadiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!