MUQDISHO (HN) — Si ay garab istaag ugu muujiyaan walaalaha Falastiin ee Gaza ku dhibaatoonaya, labo orodyahan oo kasoo jeeda Oldham oo la kala yiraahdo Afruz Miah iyo Monwar Hussain, ayaa ku dhow inay soo gabagabeeyaan orodkooda. Maalin kasta waxay ordaan 10 kilomitir si ay yabooh ugu sameeyaan Muslimiinta Gaza una baraarujiyaan xaalkooda.
Ol’olahan oo loo bixiyay Miles4Humanity waxay ilaa hadda loogu yaboohay £120,000 waxaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo £150,000, sida ay kusoo warramayso Asian Image.
Halyeeyadan samafalayaasha ah ayaa doonaya inay ol’olahooda ku muujiyaan xaaladda bani-aadnimo ee Gaza ka taagan iyo kaalmooyinka joogtada ah oo ay u baahan yihiin walaalaha Falastiin.
Afruz, oo 51 jir ah iyo Monwar, oo 40 jir ah inay ordaan fogaan dhan 3,620km waxaa ku dhaqaajiyay nolosha adag oo ay ku jiraan walaalahooda Muslimiinta ah.
“Waxa ka socda Gaza waa qalbi-jab iyo murugo; carruur aroor walba kusoo kacaysa dirir iyo duqeyn iyo kuwo laga soo hoos jiidayo burburka dhismayaasha kusoo dumay,” ayuu yiri Afruz.
“Ol’olaheennu wuxuu dirayaa farriin culus iyo farsamo walba oo aan ku gaari karno kaalmeynta walaalaheenna.”
You must log in to post a comment.