MUQDISHO (HN) — Firinjiyeer cusub oo dadka baahan loogu diyaariyo cunnooyin bisil oo ay cunaan ayay jamaacada Masjidka Southfield Square ka daahfureen magaalada Bradford si ay u kaalmeeyaan kuwo gaajoon.
Cunnooyinkan ayaa isugu jira rooti, hilib, caano iyo qudaarta nuucyadeeda kala duwan, waxaana albaabada loo furaa firinjiyeerkan maalin walba oo Axad ah. Howlwadeennada ayaa ka shaqeeyey inay qeyb uga gooyaan masjidka si adeeggan loogu sahlo dadweynaha danyarta ah sida darbi-jiifta iyo kuwo dhaqaale ahaan liita!
Syed Ahsan Shah, oo ah agaasimaha Masjidka ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda adeeggan.
“Waxaynu ku dadaalaynaa inaan waxtar muuqda ku celinno bulshadeenna tabaaleysan una xoojinno dhaxalkii uu nooga tagay Pir Syed Maroof, oo hadafkiisu ahaa inuu bulshada ku mideeyo adeeg samafal – si kuwa baahan loo haqabtiro,” ayuu yiri.
Mashruucan waxaa kormeera Mohammed Wasim, oo geddiisa ka hadlay ula jeeddada laga leeyahay.
“Waxaan diiradda saaraynaa kuweenna baahan iyada oo aan loo eegeynin heybtooda iyo waxa ay aaminsan yihiin,” ayuu yiri
You must log in to post a comment.