crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> January | 2020 | HimiloNetwork

Monthly Archives: January 2020

26 Janaayo – Maalintii Qaranjabka Soomaaliya.

MUQDISHO (HN) — Subax jawigeedu cakiran yahay oo saadaasha laga bixiyaana ay u badan tahay in Jaalle Siyaad uu isaga baxo aqalka Villa Somalia – kaddib laba toddobaad oo dagaallo joogto ahi ka dhex socdeen gudaha caasimadda Muqdisho ayaa xukunkii 21 jirsaday hoggaamiyaheedii ku qasbay inuu cagta saaro waddada xiriirisa Xamar iyo Afgooye. Gu’yaal is cirbinaya ayaa kasoo wareegtay dhacdadaas ...

Read More »

Masaajidda UK oo albaabada u furaya Darbi-jiifta si ay u jiifsadaan!

LONDON (HN) — Mahad waxaa loo celinayaa koox Muslimiin ah oo fadhigeedu yahay Birmingham kuwaas oo gabbaad siinaya darbi-jiifta aan heysan gogol diirran iyo cunno ay kaga gaashaantaan qabowga daran ee kulaalaya. Mashruuca “Our Masjids with the Homeless” oo waa miraha ka dhashay iskaashiga labada naadi oo Muslimiin ah kuwaas oo iskaga yimid xal-u-helidda dhibaatada heysata darbi-jiifta. Dhowr Masaajid ayaa ...

Read More »

Boorar sida Dacwada Islaamka oo soo jiidanaya indhaha Dadka Maraykanka.

MUQDISHO (HN) — Boorar u dhigma ama sida farriin dacwo Islaami ah ayaa loogu tala-galay in dadka lagu fahamsiiyo Islaamka iyo noloshiisa dhabta ah. Boorarka oo lagu dhejiyay dhammaan highwey-yada Interstate 45 ee Dallas ayaa waxaa ku qoran: “Ka hel Nabi Ciise Qur’anka dhexdiisa; Nabi Muxumedna ka hel Bible-ka dhexdiisa.” Koox la baxday GainPeace fadhigeeduna yahay Chicago ayaa bilowday ol’olahan. ...

Read More »

Qisada ka danbeysa Qalin-jebintayda Jaamacadda.

MUQDISHO (HN) — Toddobaad kaddib oo laga joogo markii aan difaacday Buugaygii Jaamacadda, waxaan wali il gacaltooyo leh kusii eegayaa sannadihii wacnaa oo joogitaanka Jaamacaddu iiga dhignaa wax walba taa oo si aan gunteeda u xaqiijiyo darteed wax kasta ugu bareeray. Waayo qalin-jabintayda laf ahaanteeda ayaa sharixi karta wax walba oo ku saabsan wax-barashadayda Jaamacadda. Sannadkii 2011 markii ugu horreysay ...

Read More »

Xusuus Togan – 11 sano kaddib Geeridii Hooyaday.

MUQDISHO (HN) — Maanta oo kale 14 Janaayo 2009, waxaa subax iigu waabariistay farxad iyo maalin caadi ah uu gabbalkeedu iigu dumay murugo iyo uur-ku-taalo. Goor duhur ah ayaa la iisoo sheegay Dhimashada Hooyaday oo aan muddo sannad ku dhow arag. Waxaan ahaa arday ku jira sannadkii ugu danbeeyey dugsiga dhexe oo walaalkiis – dhawaantaa guursaday – kula nool magaalada ...

Read More »

Caro laga muujiyay Boorar Islaam-naceyb ah oo la suray Gobalka Georgia.

GEORGIA (HN) — Boor Islaamka naceyb ku saleysan oo lagu dhejiyay fagaare u dhow Jaamacadda Georgia State University ayaa baraha bulshada ka dhaliyay doodo kulul kaas oo loo arkay mid lagu bartilmaansanayo tira-yarta Muslimiinta ah ee ku nool gobalka. Boor waxaa ku qoran qoraal ah “Alle-diid, cabsi la’aan, Muslim riddoobay.” Waxaa sannadkii hore dhammaadkiisii la suray Atlanta, Chicago iyo Houston, ...

Read More »

Sababta Hanan iyo John ay u qaateen Diinta Islaamka.

WALES (HN) — Qaadashada Islaamka soddon sano kahor, Hanan Sandercock waxay sheegtay inay ka go’neyd helidda diin ay nafteedu ku qanacdo iyo bulsho si daah-furan uga shaafisa su’aalaha maankeeda xulaya. Waxay ka dhalatay qoys Masiixi ah oo sannadkii 1990 yimid Cardiff iyada oo shaqo raadis jaamiciyad ah. “Waxaan ku jiray da’dayda 20meeyada. Waxay ila tahay inaan baadigoobayay micnaha nolosha dhabta ...

Read More »

Da’yarta Muslimiinta UK oo u midoobaya Ol’olaha Qaran ee Nadaafadda.

LONDON (HN) — Dhalinyarada Muslimiinta UK ee dalka oo dhan ku sugan ayaa isaga yimid inay howlo nadaafadeed oo ballaaran ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn kaddib fasaxii sannadka cusub ee laga soo laabtay. Imam Qamar Ahmed Zafar wuxuu yiri; “Waa mid guud oo innaga wada dhaxaysa inaan dalkeenna ugu shaqeyno si aaan ugu noolaanno.” “Markii dabaal-degyada sannadka cusub laga soo laabtay, ...

Read More »

Haddii Kuwa aan wax-dhalin Wax-dhali lahaayeen!

MUQDISHO (HN) — Dhalmo la’aantu waa waaya’aragnimo qof ahaaneed iyo nolol walwal badan. Hal wareega aadunuhu nolosha ka sameeyo waxaa udub-dhaxaad u ah dhalmada. In qofku uusan wax dhalin waxay hadiyo jeer walbahaar ku reebi jirtay dadka intiisa aan loo qorin inay wax dhalaan. Si gaar ah Soomaalidu, dhalmo la’aantu waa waxyaalaha ugu waaweyn oo ay ka duceysan jireen. Taxanaha ...

Read More »

Ronaldo oo taageere naafo ah u rumeeyey riyadiisa.

DUBAI (HN) — Ali Amir oo ah wiil naafo ah waxaa ugu danbeyntii u rumowday riyadiisa aheyd inuu kubad la baasto laacibka Christiano Ronaldo. Taas waxay suura-gashay xilli laacibkani uu safar dalxiis ku joogo dalka Imaaraadka Carabta oo ay isku arkeen wiilkan naafada ah lixaadka. Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay: “Waxay ii tahay farxad weyn iyo dhiirri-gelin inaan kula ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!