HomeWararkaKoobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha!

Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha!

MUQDISHO (HN) – Daaqadaha nadiifintoodu waa shaqo u muuqata mid fudud in la qabto, balse aad u adag in si heer sare ah loo barto. Runtii, isticmaalka qalabka Squeegee-ga ma aha wax u baahan shahaado jaamacadeed, laakiin haddii aad rabto inaad la tartanto nadiifiyeyaasha daaqadaha ugu fiican adduunka, waxaad u baahan tahay tababar aad u adag.

“Waxaan sameynayo, dadka da’dayda kala bar ka ah xattaa ma sameyn karaan,” ayuu 71 jir Terry Burrows u sheegay wargeyska The Independent. “Shaqadan si fudud looma sameeyo; waa inaad si gaar ah ugu tababarataa!”

Burrows, oo weli ka qeyb gala Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha, waxaa loo arkaa inuu yahay “Usain Bolt-ka nadiifinta daaqadaha”. Sannadkii 2009, wuxuu dhigay rikoor caalami ah isaga oo si qumman u nadiifiyay saddex daaqadood oo cabbirkoodu ahaa 45 x 45 inji, kaliya muddo 9.14 ilbiriqsi gudahood ah. Ilaa maanta qofna ma jabin mana gaarin rikoorkiisaas.

Shuruucda Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha waa kuwo fudud. Tartamayaasha waxaa la siiyaa qalab isku mid ah: Squeegee cabbirkiisu yahay 12 inji (300 mm) oo leh gacan aan la beddeli karin, qalabka mariya saabuunta ee 14 inji (350 mm), daboolka qalabkaas, baaldi biyo ah, saabuunta lagu nadiifiyo daaqadaha iyo maro gaar ah oo lagu tirtiro raadadka. Qalabkan ayay ku nadiifinayaan saddex daaqadood oo cabbirkoodu yahay 45 x 45 inji, iyaga oo isku dayaya inay sida ugu dhaqsaha badan uguna nadiifsan u qabtaan.

Iyada oo ay si dhow ula socdaan saddex garsoore, tartamayaashu waxay gacmahooda ugu dhaqaajiyaan qaab xarafka “S”, iyaga oo Squeegee-ga ama majuujiyaha ku jiidaya muraayadda, kadibna marada ku tirtiraya si aysan wax raadad ah uga tagin. Marka ay dhammeeyaan waa inay ku dhawaaqaan “Stop!” si saacadda loo joojiyo.

Xawaaruhu aad buu muhiim ugu yahay tartankan, laakiin tartamayaashu waa inay si dhab ah u nadiifiyaan daaqadaha si ay u guuleystaan. Raad kasta, dhibic kasta oo biyo ah ama xariiq kasta oo ka muuqata daaqadaha waxaa lagu daraa ganaax dhan nus ilbiriqsi (0.5 ilbiriqsi). Haddii ay jiraan raadad aad u muuqda ama dhumuc weyn leh, waxaa lagu daraa hal ilbiriqsi oo ganaax ah. Saddexda garsoore waxaa loo tababaray inay ogaadaan xitaa khaladaadka ugu yar, sidaas darteed khalad kasta waa la xisaabiyaa.

Guuleystaha Koobka Adduunka ee Nadiifinta Daaqadaha wuxuu helaa abaalmarin lacageed oo dhan £1,000 ($1,350), laakiin abaalmarinta dhabta ahi waa sharafka iyo faanka uu ka dhex helo xirfadlayaasha kale ee nadiifinta daaqadaha.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments