crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Boorar sida Dacwada Islaamka oo soo jiidanaya indhaha Dadka Maraykanka. | HimiloNetwork

Boorar sida Dacwada Islaamka oo soo jiidanaya indhaha Dadka Maraykanka.

MUQDISHO (HN) — Boorar u dhigma ama sida farriin dacwo Islaami ah ayaa loogu tala-galay in dadka lagu fahamsiiyo Islaamka iyo noloshiisa dhabta ah.

Boorarka oo lagu dhejiyay dhammaan highwey-yada Interstate 45 ee Dallas ayaa waxaa ku qoran: “Ka hel Nabi Ciise Qur’anka dhexdiisa; Nabi Muxumedna ka hel Bible-ka dhexdiisa.”

Koox la baxday GainPeace fadhigeeduna yahay Chicago ayaa bilowday ol’olahan. Sabeel Ahmed ayaana howlfuliyaha guud ee Ururka.

“Hadafkeenna ugu weyn wuxuu yahay inan dhisno kaabad isku xiraysa dadweynaha,” ayuu yiri. “Waxaa kale oo aan dooneynaa inaan tirtirno aragtida qaldan ee laga qaatay Islaamka.”

“Waxaan rabnaa inaan walaaladeenna American-ka ah barno diinta Islaamka oo aan siino fursad ay laf ahaantooda ku baadi-goobi karaan xaqiiqadiisa – iyaga oo webiste-yadeenna kala soconaya wax walba oo ku saabsan.”

Hadafku wuxuu yahay in dadweynaha la ogeysiiyo in Nabi Ciise aanu kaliya aheyn mid Masiixiyadda gaar ku ah, balse uu qeyb weyn ku leeyahay caqiidada Islaamiga.

Ahmed wuxuu sheegay in in badan ay aragti qaldan ka heystaan Nabi Ciise iyo hooyadiis Maryan marka ay ka hadlayaan Islaamka.

“25 jeer ayaa Nabi Ciise cs lagu xusay Qur’anka, halka hooyadiis Maryan cs iyadana lagu sheegay 32 jeer Qur’anka dhexdiisa,” ayuu yiri.

Waxaa dheeri ku ah dacwada inay fursad wada hadal u fidiyaan qof walba oo qaba su’aalo la xiriira laba diimood. Waxaana ay wici karaan 1-800-662-ISLAM.

Ahmed wuxuu sheegay in boorarka soo jiiteen indhaha dad badan kuwaas oo wicitaan toos ah la soo sameeyey xaruntooda.

“10-kii sano ee lasoo dhaafay waxaan helnay 60,000 wicitaan oo nooga yimid dad kala duwan oo doonaya inay ogaadaan xaqiiqada Islaamka,” ayuu yiri.

“Waxaan siinaa nuqul Qur’anka kamid ah oo ku tarjuman afafka Isbaanishka, ama Ingiriiska.

Rajadiisa waxay tahay in ugu danbeyntii Islaamka loo arki doono diin u taagan nabadda iyo cadaaladda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!