crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qisada ka danbeysa Qalin-jebintayda Jaamacadda. | HimiloNetwork

Qisada ka danbeysa Qalin-jebintayda Jaamacadda.

MUQDISHO (HN) — Toddobaad kaddib oo laga joogo markii aan difaacday Buugaygii Jaamacadda, waxaan wali il gacaltooyo leh kusii eegayaa sannadihii wacnaa oo joogitaanka Jaamacaddu iiga dhignaa wax walba taa oo si aan gunteeda u xaqiijiyo darteed wax kasta ugu bareeray.

Waayo qalin-jabintayda laf ahaanteeda ayaa sharixi karta wax walba oo ku saabsan wax-barashadayda Jaamacadda.

Sannadkii 2011 markii ugu horreysay waxaan u fariistay fasal jaamacadeed si aan u dhigto maadada Juqraafiga oo aan aad u jeclaa barashadeeda. Maalintii ugu horreysay oo ay aheyd inaan galno imtixaan bileedka – ahna keennii noogu horreeyey Jaamacadda – maamulka ayaa noogu yimid fasalkii aanu kula jirnay arday kale oo kulliyadaha kale katirsanaa. Waxaana saddex aan anigu ku jiray iyo afar kale oo luqadda Carabiga dhigan rabay loo sheegay inay bannaanka uga soo baxaan ardayda intooda kale. In cabbaar ah markii aanu hadleynay, maamulka ayaa na siiyay doorashooyin kala ah inaan kulliyadaha kale ee Jaamacadda iska diiwaan-gelino kuna biirno fasallada cusub; qoladii aan ku jiray ee Juqraafiga waxaa loo sheegay inay kala geli karaan laamaha Taariikhda iyo Ilbaxnimada ama Cilmiga Bulshada – halka afartii kale ay doorasho u heleen Daraasaadka Islaamiga.

Gedigood – ka baaraan-degid dheer kaddib, waxay kala doorteen kulliyadihii u kala xulnaa. Aniguse waxaan noqday qofka kaliya ee doortay inuu maadadiisa dhigto. Sidaas darteed, waxaan maamulka Jaamacadda warsaday haddii ay isiin karaan fursad aan sannadkan ku xirto sannad-wax-barasheedkayga si aan kiisa xiga ula bilaabo ardayda iska soo diiwaan-gelin doonta Juqraafiga.

Runtii go’aankaasu wuxuu iila muuqday midkii iigu niyadsamaa oo aan dhinaca wax-barashada abid u qaato. Waayo in kasta oo sida saaxiibaday aan heli karay inaan sannadkaas ardayda kale la galo kulliyadaha kale ee la noo oggolaaday, haddana niyaddayda waxaan marwalba ku weynaa inaan maadadaas si aan u dhigto aan sanadkaas uga haro jaamacadda. Laakiin maanan fileyn go’aankaasi inuu qaabeyn doono noloshayda inta ka dhiman.

Si kastaba, sannadkii xigay markii aan damcay inaan diiwaan-kayga dib uga furto Jaamacadda, waxaa nasiib-darro la igu war-geliyay inaanan heli doonin maadadaas hadda iyo sannadaha soo aadan toona. Gebi ahaanteedna laga saaray laamaha kulliyadaha Jaamacadda.

Hadalkaasi wuxuu runtii igu ahaa fallaar la iigu soo gamay wuxuuna dhaawacay qeyb ahaan moralkayga. Barayaasha iyo xubnaha kale ee maamulka Jaamacaddaas waxay mar kasta xusuusan yihiin sidii anigoo maahsan; haddana ilmeynaya ay iigu niyad-qaboojinayeen inaanu waqti iga tagin – wixii qornaana ay igu dhaceen.

Hayeeshe, kuma ekaan inaan halkaas uga haro baahidayda la xiriirta barashada Juqraafiga. Waxaan hab tacliimeedka fog ee wax-barashada Jaamacadda iskaga diiwaan-geliyay xafiis ay jaamacad laga leeyahay Sudan ku leedahay Muqdisho. Ugu horreyntii waxay igu soo dhaweeyeen rajo qurux badan, balse in yar kaddib waxay iiga cudurdaarteen inaan kaligay la iga diiwaan-gelin Karin jaamacadda. Waxaa xusid mudan in doorashayda Juqraafiga markan ay wax badan iska beddeleen oo aan sidoo kale doonayay in xittaa wax u dhow xiriir ahaan aan barto sida Cilmiga Bulshada. Sidaas darteed, ayaan iskaga diiwaan-geliyay Jaamacad bixinaysa Cilmiga Bulshada, balse markii aan buuxiyay shuruudihii kamid noqoshada Jaamacadda; una fariistay imtixaanka qubuulka, waxaa maalinkii la xaadirinayay tirada ardayda kala aadaysa kulliyadaha magaceyga oo qura laga soo dhejiyay liiska Cilmiga Bulshada. In yar dabadeed, waxaa mid kamid ah barayaasha uu igu yiri ‘keligaa ayaan agoon ku noqday Cilmiga Bulshada’. Markii aan weydiiyay sida la iga yeelayana, waxaa la ii sheegay in gebi ahaan laantaas albaabada la iskugu dhifanayo.

Niyad-jabkii aan ka qaaday warkaas dhiillada lihi wuxuu sannado dhowr ah igu kallifay inaan jecleysan wax-barasho jaamacadeed. Xaqiiqdii sannado badan ayaan maqane-jooge ka ahaa xarumaha wax-barashada, oo in kasta oo aan jeclaa tacliinta sare, haddana niyad-jabkii iga soo gaaray ayaa igu kalifi jiray inaan il tuhun ku eego wax walba oo la xiriira magac jaamacadeed.

‘War waa meelo lacag loo furtaye yaa qof riyadiisa iyo yoolkiisa daneynaya,” ayaan ku dhaliili jiray anigoo isku qancinaya saaqidka aan ka noqday tacliinta.

Sidaas ayaan afartii sanno ee xigtay kusii jiray – iyada oo waliba dhiirri-gelinta iyo talada asxaabta iyo ehelka ee la xirirta inaan dib ugu laabto jaamacadda – ay hadiyo jeer dhegahayga ugu soo dhaceysay si aan ugu danbeyntii ku qancay inaan dib ugu laabto.

Semester sii dhamaanaya oo lagu jiro bilihiisii danbe ayaan la kowsaday arday part-time ahaan u dhigta culuumta Maamulka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Hope University. Halkaas waxaan ku jebiyay mid kamid ah quusihii iigu xumaa noloshayda. Qof walba oo maqlana waxay u aheyd war weyn.

Balse anigu waxay ila aheyd huriweyto. Mana ka laheyn rabitaan dhammeystiran xageeda, maadaama aysan tii aan jeclaa xiriir dhow ku laheyn. Hayeeshe, saddexdii sano ee xigtay waxaan u dhaqmay sidii qof ku cusub wax-barashada. Waxaan go’aakayga labaad ee dib-ugu-laabashada jaamacadda u qaatay si dhab ah. Waan xusuustaa semester walba oo ii dhamaada waxaan la wadaagi jiray saaxiibadayda dhow iyo walaalahay.

Markii aan sannadkii labaad ee jaamacad galay ilaa maalmihii gabagabada, waxaan ku jiray diyaar-garow qof ahaaneed oo aan sugaal ugu jiray sidii aan mar un u hanan lahaa shahaadadaydii jaamacadda oo gu’yaal badan aan u gebi-dhacleeyey soo gaaristeeda. Dhacdo gudaheed oo waxaa iyana jirta dhiirri-gelisay halgankeygaas bilowga ah. Waana mar aan la kulmay mid kamid ah barayaasha saree e Jaamacaddii aan ku hungoobay bilowgii qisadayda inaan ka barto Juqraafiga. Wuxuu – isaga oo og sida ay u ekeyd xaaladdii aan ku sugnaa maalinkii ay igu yiraahdeen Juqraafi danbe lagama dhigayo jaamacadda – i weydiiyay ‘haddii aan jaamacad kale galay iyo in kale.’

Kolkii aan u sheegay inaan jaamacad kale bilaabay, wuxuu yiri; ‘Muhiimaddu waa inaad cilmi un barataa kuna camal fashaa. Wayna fiican tahay haddii aanad halkaas ku joogsan.”

Maanta, mar kasta oo aan dib ugu laabto xerada Jaamacaddaydu ku taal ama aan dhex galo fasalkayga, waxaan gala xusuus macaan. Waayo mar walba oo aan ka fikiro guul-darrooyinka is-daba-tixnaa ee ku horgudboonaaday geeddi-socodka wax-barashadayda, qalin-jebintaydani waxay wax ka sheegeysaa wax walbo oo ku saabsan safarkaygii dheeraa ee tacliinta sare.

Waxaan aqoonsanahay dadaalka, dhiirri-gelinta iyo talada qof walba oo noloshayda kusoo galay si dadban iyo si toos ah labadaba. Waxaan hubaa la’aantood inaan gaari kareyn guusha maanta aan naftayda usoo hooyay.

Qaadashada shahaadadayda koowaad ee jaamacadda, waxay sii xoojinaysaa hadda kadib horay ugu sii dhaqaaqista himilooyinka ii muuqda. Waxayna sees iyo ararba u tahay bilow cusub oo mustaqbal iftiimiya ii muujinaya qof ahaan.

Waxaan bogaadinaya, amaanaya iyo dhiirri-gelinayaana barayaashii, ikhyaartii naftayda aaminay kahor inta aan anigu is aaminin. Tanina waxay siinaysaa sabab kale oo ay si farxad leh ugu dhoolla-caddeeyaan miraha halgankayga.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!