MUQDISHO (HN) – Duni aan daryeel iyo tixgelin gaar ah la siinin noolaha Ilaahay sida Shimbiraha, waxaa kasoo dhex baxay halyey u istaagay inuu xanaanadooda u go’o. Dadka samafalayaasha ah waxaa aalaaba loo fishaa inay yihiin kuwo naftooda isaga filnaaday kadinba doortay inay inta kale wax-taraan. Laakiin halyaygan kamid ma ahan kuwaas. Waa hoylaawe ama darbiif seexda jidadka caasimadda Nairobi.
Sidaas oo ay tahay haddana kama hor istaagin darbi-jiifnimadu inuu noqdo halyay u istaaga baxnaaninta iyo baaninta Shimbiraha dhaawacan ee daweynta iyo daryeelka u baahan.
Halkan ka daawo sheekadiisa.