HomeDeegaankeennaGeed Seytuunka nool uguna da' weyn Dunida oo jira 3,000 sannadood!

Geed Seytuunka nool uguna da’ weyn Dunida oo jira 3,000 sannadood!

MUQDISHO (HN) – Geed seytuunka qadiimiga ah wuxuu katirsan yahay jaad deegaaneed dhul gaar ah ku baxa oo loo yaqaan tsounati. Waxaana lagu tallaalay geed saytuun duurjoog ah isaga oo ku jooga dherer dhan saddex mitir.

Jiriddiisa weyn oo wareeggeedu yahay 12.5 mitir isla markaana dhexroorkeedu yahay 4.6 mitir, waxay u muuqataa qaab-dhismeed aad isugu murugsan. Hase yeeshee waxa ugu yaabka badan ayaa ah in farshaxankan dabiiciga ahi uu si joogto ah isu beddelo.

Da’da saxda ah ee jaadka nuucan geedka saytuunka ah lama go’aamin karo, sababta oo ah qeybta dhexe ee jiriddiisa ayaa quruntay qarniyo kahor. Tani waa qeyb kamid ah habka cajiibka ah oo uu geedku isku cusboonaysiiyo. Inta ay xarunta geedku sii qurmayso, alwaax cusub ayaa bannaanka kaga samaysma, sidaas darteed qaabka iyo cabbirka jiriddu way isasii beddelaan, xitaa kumannaan sannadood kadib.

Falan-qeynta giraannada geedaha ayaa muujisay in geedkani ugu yaraan jiro 2,000 oo sannadood. Si kastaba ha ahaatee, seynisyahannada katirsan Jaamacadda Crete waxay qiyaasayaan inuu ku dhow yahay ama uu jiro 4,000 sano. Waxa xiiso leh in aanay jirin hab-cilmiyeed oo si dhab ah loogu ogaan karo da’da geedaha seytuunka, sidaas darteed lama hubo inta sannadood oo geedkan dhab ahaan u jiro. Si kastaba, waxaa loo aqoonsan yahay geedka saytuunka ugu da’da weyn dunida.

Geedka seytuunkan wuxuu sannad kasta soo jiitaa qiyaastii 20,000 oo booqde-yaal oo taga galbeedka Crete, waxaana loo aqoonsaday taallo dabiici ah oo la ilaaliyo.

Marka la barbar dhigo, geedkan wuxuu ka da’ weyn yahay dhismaha caanka ah ee Parthenon oo ah astaan dhaqameed muhiim u ah ilbaxnimadii Giriigga. Waxa kale oo suuragal ah inuu ka horreeyay shakhsiyaad taariikhi ah sida; Alexander the Great iyo Pythagoras. Jiriddiisa duugowday waxay markhaati u tahay adkaysigiisa, maadaama uu ka badbaaday abaaro, dabab iyo fara-gelin bani’aadan. Wuxuuna weli sii wadaa inuu miro dhalo.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments