crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xusuus Togan – 11 sano kaddib Geeridii Hooyaday. | HimiloNetwork

Xusuus Togan – 11 sano kaddib Geeridii Hooyaday.

MUQDISHO (HN) — Maanta oo kale 14 Janaayo 2009, waxaa subax iigu waabariistay farxad iyo maalin caadi ah uu gabbalkeedu iigu dumay murugo iyo uur-ku-taalo. Goor duhur ah ayaa la iisoo sheegay Dhimashada Hooyaday oo aan muddo sannad ku dhow arag.

Waxaan ahaa arday ku jira sannadkii ugu danbeeyey dugsiga dhexe oo walaalkiis – dhawaantaa guursaday – kula nool magaalada Mandera ee Waqooyi bari Kenya. Waan xusuustaa markii aan kasoo baxay fasalkayga 8aad, arday aan deris aheyn ayaa igu soo orday si uu iigu sheego war aan noloshayda abid rumeysan jirin. Waana geerida hooyaday.

Ma xusuusto sidii aan ku gaaray guriga uu walaalkay deganaa oo cabbaar u jiray halka uu ku yaal dugsigeenna.

Laakiin in yar kaddib waxaa gurigii oo dhan kusoo jabay ehel, asxaab iyo deris iyo dadweyne kale. Eedaday – marna habaryartay – oo aan iyada iyo carruurteeda isla nimid Mandera maalin qura, ayaa kamid aheyd dadka markii aan wejigooda arkay ay dhab ahaan ii caddaatay dhimashada hooyaday. Bacadlaha Mandera oo uu ku ganacsan jiray walaalkey maadaama warka naxdinta lihi gaaray, dad badan oo yiqiin ayaa ugu yimid tacsi iyo sabirsiin.

In kasta oo aanan sidaa usii oohin badsan intii ay dadku tacsi gudashada noogu joogeen, haddana walaalkey iga weyn oo ku dhawaad shan sanno aanan arag hooyo, waxaa la waayay doc loo aamusiyo. Waxaase aan dhab ilmada u joojin waayay laga bilaabo habeenkii iilka loo hooyay hooyaday ilaa muddo ku siman saddex bilood.

Mararka qaar waxaa arki jiray anigoo jidadka Mandera ku socda; ilmadana ka qubaneysa indhahaygana aanan dareemeyn. Murugada iiga timid geerideeda kaliya maanay ka quban indhahayga, waxaa sidoo kale u qayirmay muuqaalkayga. Kahor geerida hooyaday waxaan isula muuqan jiray dadka kuwooda ugu hilib iyo laf weyn.

Xaqiiqdii geerideedu ma aheyn oo kale musiibo ugu horreysay oo qoyskeenna gasha. Horraantii 90-meeyada, aabahay wuxuu ku dhintay dagaalkii sokeeye. Laakiin hooyaday waxay aheyd aabbe iyo hooyo isku dhan oo aniga, walaashay iyo walaalkey guur danbe uga seegtay darteen si ay nolosheenna u horumariso.

Hooyaday Sahra Ali Bardacad, waxay curad u kala aheyd labada bah oo ay kala dhaleen hooyadeed iyo aabaheed. Aabaheed intuu dhalay iyadaa ugu weyneyd; markii hooyadeed kala tageen aabbe; carruurtii kale oo ku hooyada noqdayna, iyadaa curad iyo hooyo u noqotay.

Kaalinteedu waxay dhab usoo if baxday markii ay geeriyootay hooyadeed iyo walaalkeed ku xigay oo ku hooyada ahaa. Kolkaas wixii ka danbeeyey waxay noqotay hooyada u nool walaalaheed.

Intii aanu haleelin madaafiicdii ay ciidamada Itoobiyaanku u qeybinayeen caasimadda Muqdisho maalintii ay isaga baxayeen gebi ahaanteeda, waxaa u muuqday ileys  xornimo leh iyo nolol aan cabsi laheyn maadaama saddex sano ku dhawaad oo dagaalo joogto ahi ka jireen magaalada.

Hayeeshe, wedkii ayaa ku yimid isla goortaas. Mana uusan ugu imaanin si kedis ah. Aalaaba hooyaday waxay caan ku aheyd inay u diyaargarowdo xilliyada ay jiraan xaalada qalafsan oo waxay muujin jirtay digtooni – tu jir ahaaneed iyo mid ruuxi ah intaba.

Walaashey oo aheyd qofka qura oo goobjoog u noqday duugta hooyaday, waxay aheyd qofka noogu uur adag. Waxaa la sheegaa inay hilbaha qaar ee maamada gibilkeeda ka go’ay – inta ay isku soo ururisay – inay xabaasha uga daba-geysay si loola aaso.

Laakiin iyada iyo walaalkey waxay dhabtii u muuqdeen – dhab ahaanna ahaayeen – kuwo aanay xusuusuhu ka qaalib noqon Karin. Aniguse haa! Sannadihii xigay siiba markii aan kusoo laabtay caasimadda Muqdisho, oo aan haddana dul tagay iilka ay ku duugan tahay, waxaan celin waaya ilmada. Waxaase aan jaceylkeeda ilaa iyo hadda ku sababaa la jooga iyo booqashada kuwii ay jecleyd; lana nooleyd.

11 sanno kaddib geerida, in kasta oo xaalado adag iyo duruufo aan sahlaneyn aan soo maray, haddana majiro mid iiga tiiraanyo badan waayideeda. Waayo in kasta oo rag uu 20 jir ku balamay, haddana goortii asaagay aan la qeybsado dhibaha iyo hiirtaanyada nolosha, waxaa dheeri iigu ahaa gocashada xanuunka leh ee geerida hooyaday oo siiba aan gaar u xusuusan jiray mar walba oo 20jir ila mid ah inta uu sidayda oo kale u halgamo, haddana aan sidiisa oo kale u helin gacal iyo gargaar.

Sababta ay taasi dabarka iigu xirtayna, waxaa ugu wacan in yaraantaydii aan ahaa qof jaceylka iyo koolkoolinta ay hooyadiis ku suurayso magaalada Ceelbuur oo dhan laga yiqiin. Hooyaday waxay marna isiin jirtay dhiirri-gelin; kolna i marin jirtay imtixaan adag; mugna abaal-gud muuqda ii hibeyn jirtay.

Sidaas awgeed ayaan u noqday aqoon iyo rejey aan isaga oo u diyaarsaneyn sida waalid la’aan loogu noolaado qaddarka lagu tusay inuu la’aantood u noolaado sida Ilaahay u qoray.

10 sanno kaddib waxaan sannadkii 11aad oo kasoo wareegtay geerida weli hayaa mid kamid ah himilooyinkii wacnaa iyo rajooyin qurxoonaa oo hooyaday nolosa ka laheyd. Waana inay aragto innagoo oo jaamiciyiin ah. Maantana waxaan dhaaxaad siin hayn doonaa dhabbahaas ilaa wedku uu na kulmiyo.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!